Xaalada Dhabta ah ee Shacabka Lubnaan tan iyo Bilowgii Duulaanka Yuhuuda ee Halkaas.

Oct 1, 2024

Warbixin ay daabacday majalada todobaadlaha ah ee The Economist kana soo baxda dalka Ingiriiska ay ciwaan uga dhigtay, Lubnaan waxay wajaheysa dhibaatadii ugu darneyd tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye.

Waxay marka hore bilowday iney ka hadasho xaalada shacabka Lubnaan uu hada ku suganyahay, iyo sida ay muddo kooban isku badashay nolosha boqolaal ruux oo ku naaloonayey daganaan heystayna ganacsiyo kala duwan oo uu uga soo xaroonjiray dakhli fara badan.

Majaladda The Economist waxay sheegeysaa in fagaarayaasha iyo xeebaha magaalada Beyruut ay buux dhaafiyeen dad ka soo barakacay dhanka koonfurta Lubnaan, waxayna badankood jiifanayaan dhulka, walo ay jiraan shaqsiyaad fara ku tiris ah oo nasiib badan misana heysta firaash yar oo ay dhinaca dhulka ka xejiyaan.

Qul qulka barakacayaasha ka imaanaya dhanka koonfureed ee caasimada ayaa ziyaaday tan iyo dilkii Xasan Nasrullah 27 bishii soo idlaatay ee September, iyagoo ka baqanayaa in maamulka yuhuuda uu laba jibaaro beegsiyadiisa ka dhanka ururuka isugu yeera Xisbullah, isagoo aanan u aabayeeleynin rayada halkaas ku lee’anaya.

Saxiifada waxay hadalkeeda intaas ku dareysaa, in hadii xaalada shacabka Lubnaan ay sidaan kusii socoto la diiwaangalin doono barakicii ugu balaarnaa abid ee ka dhaca wadankaan tan iyo markii uu soo idlaaday dalkii sokeeyey ee wadankan dibaatada xoogan gaarsiiyey.

Dhanka kale saxiifadu waxay ka hadleysaa dilka Xasan Nasrullah iyo sida uu sii mugdiyoobayo mustaqbalka ururuka isugu yeera Xisbullah, iyo kala fur furnaanta mudooyinkaan dambe laga dareemayo saraakiisha kala duwan ee hada ku hartay gudaha ururukaas.

Isla qodobkan iyadoo majalada ka hadleysaa ayey tibaaxday in dhimashada Xasan Nasrullah ay niyad jab balaaran ay ku beertay teegeerashaa kala dwuan ee Xisbigan shiiciga ah, badankood ayaana hada aamisan in soo kabashada Xisbullah ay qaadan doonto waqti fog, taasina ay fursad aanan la dhaleysan Karin sii siin doonto maamulka gumeystaha yuhuuda.

Warbixintan ay daabacday The Economist, waxay qeyb ka noqoneysaa tobanaan iyada lamid ah oo mudooyinkii dambe si aad ah ugu faafayey baraha kala duwan ee Intenert-ka, waxayna dhamaantood inta badan muujinayaan in xaalada Lubnaan ay u muuqato mid kusii wajahan cakirnaan ka xoogan midii dagaaladi sokeeyey.

FAAFREEB PRO