Tukriga oo Wada Dhaqdhaqaaqiisii ugu Dambeeyey ee uu ku Boobayo Kheyraadka Somaaliya.

Oct 3, 2024

Dowladda Riddada ee Turkiga ayaa billowday dhaqdhaqaaqyadeedii ugu dambeeyay ee ku aaddan boobka khayraadka dabiiciga ah ee uu Allah ku manneystay dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda tamarta dowladda Riddada Turkiga Alparslan Bayrakhtar, ayaa shir uu shalay kaga qayb galay magaalada Ankara kaga dhawaaqay howlgal sahmin ah oo uu maalmo kaddib billaabi doono markabka baarista shidaalka ee dowladdaasi, kaasi oo gaari doono xeebaha Somalia, si uu u sahmiyo khayraadka dabiiciga ah.

Markabkan lagu magacaabo Oruç Reis ayuu wasiirka tamarta xukuumadda Riddada ah ee Ankara sheegay in dhammaadka toddobaadkan uu ka ambabaxi doono dalka Turkiga, uuna ku wajahan yahay xeebaha Somalia, halkaas oo uu howlgalka si rasmi ah uga billaabi doono.

Wasiirkan ka tirsan dowladda Ridada Turkiga waxa uu horay u sheegay in markabka sahminta uu hiwlgalkaasi wadi doono muddo bilooyin ah, si ugu dambayn ay dowladdaasi usoo saarato baloogyo shidaal ah oo ku jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, waa sida ay doonayaane.

Markabka Turkiga ee maalmaha nagu soo aadan soo gaari doono xeebaha Somalia, ayaa qayb ka ah heshiis sharci darro ah oo kooxda Riddada Soomaaliya la gashay dowladda Riddada ah ee Erdogan, kaasi oo isagana qayb ka ah heshiisyo tiro beel ah oo kooxda Riddada ee uu madaxa u yahay Xassan Gurguurte ay sannadkan ku xaraashtay khayraadka badeed iyo kan barri ee Soomaaliya ka buuxa.

FAAFREEF PRO