Dagaalo Galaaftay Nolosha Tobaneeyo Ruux oo ka Dhacay Gudaha Itoobiya.

Oct 3, 2024

Ugu yaraan 20 qof ayaa lasoo sheegaya inay ku dhimatay ina kabadan intaasna ay ku dhaawacmeen kadib dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay Nawaaxiga Magaalada Gondar ee Gobolka Amxaarada.

Dagaalkan culus oo u dhaxeeyay kooxda Fano iyo cidanka dowlada Ethiopia oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Gondar ee gobolka amxara ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 20 qof. Dagaalku ayaa la sheegaya inuu ka dhacay Degaanka Ayemba Kebele oo ku taal degmada Dembia ee Gobolka Gondar, maalmihii lasoo dhaafay, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen warbaahinta Addis Standard.

Sidoo kale, ilo ku sugan Gobolka Gondar Koonfureed ayaa u sheegay warbaahinta in dagaallo culus ay dhex mareen ciidamada dowladda iyo malayshiyada Fano, gaar ahaan deegaanada Kimir Dingay. Qof ku nool Ayemba Kebele oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan xerada Azezo ay isticmaalayeen hub culus oo ay ka mid yihiin ZU-23, BM, iyo Hoobiye.

Sidoo kale, qof kale oo ku sugan magaalada Gondar ayaa sheegay in weeraro cirka ah iyo dagaallo hub culus laysku adeegsada ay ka dhaceen deegaanada ku hareereysan magaalada, waxaana la maqlayay qaraxyo ka dhacay goobaha ay dadku degan yihiin. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale laga digay in gaadiidka oo dhan la joojiyay guud ahaan gobolka Amxaarada laga bilaabo maanta, 03 October, 2024.

Hay’ad gaaleedka Amnesty International ayaa dhawaan waxay ku eedeysay ciidamada Itoobiya in ay u adeegsadeen dadka gobolka amxaarada awoodda xad-dhaaf ah islamarkaana ay geysteen gabood fallo aad u xooggan oo halis ku ah dadka nugul sida carruurta iyo haweenka.

Dhinacayada xabashida ee dhaxdooda loollamaya ayaa dib udhac weyn u keenay dowladda xabashida Itoobiya gaar ahaan dhaqaalaha oo si aad ah ugu naafoobay dagaallada aan kala joogsiga laheyn, Redwaan Xuseen oo ah lataliyaha dhanka amniga ee Abiy Axmed ayaa bishii lasoo dhaafay qiray in kala qeybsanaanta Itoobiya dhaxdeeda ka jirta ay gaartay meeshii ugu xumeed.

FAAFREEB PRO