Ciidanka Itoobiya oo Ku Dhawaaqay Howlgal Cusb iyo Dagaallo Kasocda Gobolka Amxaarada.

Oct 3, 2024

Milatariga dowlada xabashida Itoobiya ayaa guluf cusub ku qaaday gobolka Amxaarada kaas oo kadhan ah jabhada Faano iyadoo dagaallo culus laga soo sheegayo waqooyiga Itoobiya,

Xukumada Addis Ababa waxay sheegtay in weerarkaan cusub ay ku doonayaan in gobolka ay kaga sifeeyaan maleeshiyaatka Faano oo mudooyinkii danbe halis weyn ku haayay jirtaanka nidaamka Abey Axmad.

Warbaahinta ayaa kusoo waramaysa in kumanaan katirsan ciidanka dowlada oo wata gaadiidka dagaalka ay durba udhaqaaqeen gobolka Amxaarada si ay qeyb uga noqdaan gulufka cusub.

Dagaallada culus ayaa xiligaan waxay kasocdaan Gonder,Ggojam iyo Shew, jabhada Amxaarada ayaana sheegtay in a la wareegtay deegaano muhiim ah.

Sidookale diyaaradaha dagaalka ayaa iyagana gaysanaya duqeymo culus sida ay soo wariyeen ilo wareedyo ku sugan ismaamulkaasi.

Tan iyo markii xukunka uu qabtay Abey Axmad, waxaa itoobiya dib uga billawday jabahadaha hubaysan kuwaas oo kasoo horjeeda nidaamka Addis Ababa dooanayan in ay xukunka xoog uga tuuraan.

Markii gobolka Amxaarada laga soo tago sidookale waxay colaadoi saamaysay gobolada Oromada iyo Tigreega, mana muuqato xal ay ku istaagayaan dagaallada sukeeyo ee kasocda dalkaani.

Malaayin Itoobiyaan ah ayaa ku barakacay colaada halka boqolaal kun oo kale lagu dilay, waxaana sii dheer dhaca kufsiga iyo amni darada kajirta wadanka.