Khilaaf Xooggan oo Hareeyay Shirka Madaxda Kooxda Ridada ee ka Socda Muqdisho.

Oct 5, 2024

Ismariwaa siyaasadeed ayaa ka taagan shir magaalada Muqdisho uga socda madaxda kooxda Ridada iyo hoggaamiyaasha maamullada ashahaadda ladirirada ah ee ka jira dalka.

shirka oo galay maalintiisi sedaxaad oo xiriir ah ayay isku fahmi la’yihiin murtad xasan gurguurte iyo qaar katirsan madaxda maamullada ridada ah, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhinacyadu isku khilaafsanyihiin sida laga leeyahay doorashooyinka murtadiinta marka uu dhammaado xilka hoggaamiyaha kooxda ridada.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in murtad Axmed Madoobe uu ganafka ku dhuftay soo jeedin katimid Xasan gurguurte taasi oo aheyd in aan laqaban doorashooyinka maamul goboleedyada islamarkaana min hal sano loogu daro, madaxda maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland ayaa diiday arrinkaas wuxuuna shardi ka dhigay in shirka lagusoo daro Saciid Deni iyo hoggaamiyaha maamulka khaatumo.

wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhinacyadu ay gaari la’yihiin heshiis siyaasadeed,xasan gurguurte iyo xamza cabdi barre ayaa doonaya in madaxda maamulada dabadhilifyada ah ku qanciyaan muddo korordhin hal sanad ah kadibna dabayaaqada sanadda 2025-ka lawada qabto doorashooyin qof iyo cod ah.

qaar kamid ah siyaasiyiinta murtadiinta ee shirku uga socdo Villa somalia ayaa ka gows adeygaya suurtagalnimada qabashada doorashooyin qof iyo cod ah taas bedelkeedna waxay ku adkaysanayaan in ay qabsadaan doorashooyin ku shubasho ah si ay kuraasta ugusii fadhiyaan.

FAAFEERB PRO