Kooxda Riddada Somalia ayaa xaqiijisay in shirarkii fashilmay ee ay garwadeenka ka ahayd dowladda Riddada Turkiga loogu gogol xaarayay heshiisyo kale oo sharci darro ah oo bad lagu siiyo dowladda xabashida Itoobiya.
Waraysi uu bixiyay wasiiru-dowladaha wazaaradda arrimaha debadda ee kooxda Riddada Soomaaliya, ayuu ku xaqiijiyay in dowladdiisu bad la doonayso xabashida Itoobiya, shirarka socdana ay yihiin kuwa qayb ka ah xaqiijinta arintaasi.
Murtad Cali Balcad, ayaa waraysigiisa ku xaqiijiyay in shirarka ay garwadeenka ka ahayd Turkiga ay yihiin kuwa la doonayay inay xaqiijiyaan laba arin, kuwaas oo kala ah in Itoobiya ka laabato heshiiskii Muuse Biixi badda ugu saxiixay iyo in xabashida la siiyo dekado kale oo qayb ka ah khayraadka umadda Soomaaliyeed.
Murtad Cali Balcad ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay hubka tira beelka ah ee ay xabashidu soo gelisay Soomaaliya, wuxuu sheegay in hubkaasi u gacan galay qaar ka mid ah maamullada iyo dad shacab ah.