Sida la arkayey tan iyo shalay waxaa warbaahinta heysta mid kamid ah maraakiibta dowladda ridada ah ee Turkiga kaa oo kasoo dhaqaaqay gudaha dalka Tukriga kuna soo wajahan xeebaha bada cas ee Soomaaliya, si uu u sameeyo sahmin shidaal.
Sida ay sheegtay kooxda ridada Soomaaliya markabka ayaa dhulka usii xaari doona maraakiib badan oo kusoo socota Soomaaliya si ay ula baxaan kheyraadka dhax ceegaaga wadankan muslimka ah ee Soomaaliya, waxa uuna tijaabin iyo sahmin kusii sameyn doonaa meelaha ku haboon qodista shidaalka.
Xogaha ayaa intaasi ku daraya in markabka uu muddo 7 bilood ah uu ku sii sugnaan doono xeebaha Soomaaliya, isagoona tagi doona baa la yiri ilaa 3 goobood oo lagu wada heshiiyey in laga sahmiyo shidaalka Soomaaliya.
Xaflad la sheegay in lagu soo sagootinayo markabkan usoo xeetay xayuubsiga kheyraadka dalkan ayaa lagu qabtay shalay gudaha wadanka Turkiga, waxaana ka qeyb galay wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ridada ninka lagu magacaabo Abdirizak Omar Mohamed iyo wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Turkiga Alparslan Bayraktar.
Markabka ayaa soo mari doonaa sida qorshuhu yahay badda Mediterranean-ka isaga oo u soo gudbi doona, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, waxaana la filayaa in uu soo gaaro biyaha Soomaaliya dhamaadka bisha October, muddo 19 maalmood ah ayuuna qaadan doonaa safarkiisa.
Tani waxay qeyb ka tahay heshiis ay horay uwada galeen xukuumadu shihseeyuhu tabantaabiyo ee Muqdisho iyo mida ridada ah ee Turkiga, waxaana hada loo soo wada jeestay waa in si wada jir ah jeebka loogu wada shubto hantidii umadan Somaaliyeed ee muslimka ah.
FAAFREEB PRO