Mareykanka oo ku Dhawaad 20 Bilayan oo Doolar ku Bixiyey Garab-Istaaga Yuhuuda.

Oct 8, 2024

Warbixin ay soo saartay jaamacadda Brown ee ka faalaatoo arimaha caskariga, ayaa lagu sheegay in qarashaka Mareykanka uu ku bixiyey dagaalka sanad jirsaday ee Qaza uu ku dhow dhow yahay 20 Bilyan oo Dollar.

Warbixintan ayaa daaha ka rogeysa xogo inta badan laga qariyey warbaahinta, Mareykankuna uu ka dafiro fagaarooyinka, waxayna sheegtay in xukuumada Washiton ay mudadaan 12-ka bilood ah ay sahaayinada ku garab istaagtay kaalmo dhan walba oo ku kacayesa aduun lacageed oo gaaraya ilaa 17.9 Bilyan oo dollar.

Waxaa ntaasi ay sii dheer $4.86 bilyan oo dollar oo iyadana ku baxday qorshe Mareykanku uu kaga hortagayo weerarada Xuuthiyiinta isagoo bada cas ku garab istaagaya maraakiibta Yuhuuda iyo kuwa ku daaban.

Wargayska The Times of Israel waxa uu dhankiisa uu sheegay tani ay tahay natiijadii ugu horeysay baaritaanka lagu sameeyey qarashaka Mareykanka uga baxay garab istaaga yuhuuda, macquulna ay tahay in mudooyinka dhow ee soo aadan ay intaasi ka badato, iyadoo wax lagu dhisanayo hadii aqalka cad uu sidan wax kusii wado.

Arintaan ayaa lagu tilmaamay iney tahay kaalmadii militari oo ay xukuumada Washiton siiso yuhuuda muddo hal sano ah gudeheeda, taasoo muslimiinta usii muujineysa sida Mareykanka sheegtaya inuu soo dabaaliyo nabada uu sahaayinada ugu garab taaganyahay gowraca dad weli ku sugan dhulkoodii uu Allah u dooray.