Warbixin-Khasaaraha Maadiga iyo kan Bashariga ee Qaza 1 Sano oo Dagaal ah Kadib.

Oct 9, 2024

Waxaan sagootinay 12 bilood oo magaalada Gaza ay diiwaangelisay gumaadkii iyo gowracii ugu argagaxa badnaa tan iyo markii Filistiin ay ku dhacday gacanta gumeystaha Yahuudda.

Dadka ayaa toban toban iyo tarab tarab loo leeynayey, dumarka iyo caruurta ayaa guryaha lagu dul dumiyey, wadooyinkana waxaa qulqulayey daadadka dhiigga daahirka ah ee Muslimiinta reer Filistiin, dad kuwii ehel ugu dhawaa ayaana sheeda sare ka daawanaya.

Sida ay shaacisay wasaarada caafimaadka Filisiin, tan iyo Todobadii October ee sanadii tagay 2023, waxaa shahiiday oo ay galaafteen duqeymaha iyo toogashooyinka bareerka ah ee yuhuuda ilaa 41,788 ruux oo filistiinyiin ah, kuwaas oo isugu jra bulshada qeybeheeda kala duwan hadii ay noqon lahaayeen caruur, haween iyo dad gabow ah intuba.

Waa 96,794 ruux inta ku dhaawacantay dagaalkan sanad jirsaday ee kasocda Filistiinta barakeysan, waxaana marwalba sida aan horay usoo xusnay ziyaadi kara khasaaraha jawaanibta kala duwan, ha noqoto dhanka shudahada iyo mida dhaawaca intuba.

Ku dhawaad laba milyan oo dad ah oo ka dhigan 80% dadkii kunool magaalada Gaza ayaa barakacay kadib markii ay duqeymaha Yahuudda ay burburiyeen dhismayaashooda, islamarkaana ay waayeen xubno ka mid ah qoyskooda.

Baaritaan ay sameeysay wakaalada wararka AP, ayaa lagu sheegay in qoys walba oo ka mid ah dadkii ku noolaa Gaza uu waayey xubno ka mid ah ehelkooda, taas iskaba daaye waxay wakaaladani sheegeysaa in qoysaska qaarkood ay duqeymahas ku waayeen wax ka badan 10 ruux oo ka mid ahaa familka.

DHACDADII AL-MACMADAANI.

Mid kamid ah dhacdooyinkii ugu argagax badnaa ee ay geysteen waxaya hayd dhacdadii isbitaalka Al-Macmadaani taariikhdu markii ay ku asteysneyd 17-kii Oktoobar sanadkii tagay ee 2023, waxaa xilli fiid ah ay sahaayinadu halmar gantaalo ooda kaga qaadeen isbitaalkan oo ay xilligaas ku sugnaayeen gudihiisa boqolaal ruux oo isugu jirtay bukaano, shaqsiyaad booqasho ugu yimid dadkooda iyo xitaa kuwa meesha usoo galay qaab gabaad ahaan ah si ay uga badbaadaan gabood falada diyaaradaha yuhuuda.

Waxaa daqiiqado kooban gudeheeda halkaas nafta ku waayey ilaa 500 oo ruux oo filistiiniyiin ah, kuwaas oo isugu jira caruur yar yar, haween iyo dad waayeelo ah, dhaawucuna waxa uu noqday mid xarga goosad ah oo ay xitaa warbaahintu awoodi weysay iney soo badhigto saacadihii ugu horeeyey ee dhacdada.

Maamulka yuhuuda iyo inta u sacba tunta ayaa sidi lagu yaqiinay markii ay xasuuqaan dad abriyo ah, waxay mudo kadib warbaahinta lasoo istaageen iney goobta ay beegsadeen ay ku tuhmayeen xubno ka tirsan kooxaha muqaawamada Filistiin sidaasna ay u fuliyeen duqeymaha xoogan.

XASUUQII JABAALIYA

Midka mid xasuuqyadii ugu saameynta badnaa inta uu socdo loolankan u dhexeeya yuhuuda iyo kooxaha wax iska caabinta Filistiinyiinta, waa midkii ka dhacay Isbitaalka Indoniisiya ee ku yaala gudaha xerada Jabaliya ee waqooyi-bari magaalada Qaza taariikhdu markii ay ku beegneyd 31-dii October sanadkii tagay ee 2023, halkaas oo ay sahaayinadu hal mar ka fuliyeen weerar loo kala garan waayey iney u adeegsadeen gantaalada wax baabi’iya ama diyaaradaha drones-ka ah.

Waxaa wabaahinta durbadiiba soo galay xogo kala duwan oo tibaaxaya xadiga khasaare ee ka dhashay gumaadkaas bahalnimo, waxaana ugu dambeyn tirakoobyadu sheegeen in gudaha isbitaalkaas ay ku nafwaayeen ilaa 400 oo ruux oo Filistiinyiin ah, kuwaas oo isugu jira bulshada qeybeheeda kala duwan waana sida aynu kasoo xiganay wasaarada caafimaadka Filistiin.

Waxaa intaas sii dheer tirada dhaawaca oo iyadana noqotay mid xarga goosada ah, halka raq iyo ruux in muddo ah lagu weysanaa dad ay qariyeen burburka dhismaha kuwaas oo qaarkood lasoo badbaadiyey waqti dambe, halka kuwa kalana ay u suuragaliweysay iney meesha kasoo badbaadaan iyadoona goor dambe lasoo daad gureeyey shihiidkooda.

Maamulka yuhuuda ayaa weerarkiisan bahalnimo markii uu fuliyey kadib warfidiyeenka u sheegay, in halkaas ay ku beegsadeen xubin sare oo ka tirsan kooxaha wax iska caabinta Filistiin, muqaawamada ayaana midaas ku tilmaantay waxba kama jiraan iyo wado kale oo uu gumeystuhu ku xalaashanayo dhiiga muslimiinta reer Qaza.

XASUUQII ISKUULADA AL-FAAQUUR IYO TALU ZACTAR

18-kii November 2023, waxay markale taariikhdu diiwaangalisay xasuuq horleh oo uu cadawga xooga loogu deegaameeyey gudaha Filistiin uu u geystay dadkii xaqa u lahaa dhulkooda, waana dhacdooyinkii lagu beegsaday iskuulada Al-Faaquur iyo Talu Zactar oo ay ku sugnaayeen tobaneeyo muslimiin ah oo aanan wax lug ah ku lahayn loolanka hada ka socda gudaha Filistiin.

Waxaa mar qura Labadaas goobood nafta kuweysay ilaa 200 oo ruux, kuwaas oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee rayidka, waxaana intaasi sii dheer sida ay wasaarada caafimaadka Qaza sheegtay tiro intaas badan oo dhaawacyo ah misana badankood wali ku jira xaalado halis ah, walow dhacdadu ay kasoo wareegatay muddo fog.

Dhismooyinkaan iskuulada ahaan jiray waxay gabaad u ahaayeen boqolaal muslimiin reer Filistiin ah oo kasoo barakacay duqeymaha bahalnimo ee ay yuhuuda ka wadeen guud ahaan Qaza, balse xaalada ayaa isku badashay sida aan soo xusnay, dadkii naftooda halkan kula soo cararay ayuuna cadawga u geystay xasuuq argagax leh oo kala siibay ludda iyo lafta qofka.

Sidii caadadiisa ahayd gumeystuhu waxa uu isku dayey inuu dafiro inuu halkaas ku laayey dad abriyo ah, waxa uuna sheegay in u jeedkiisu uu ahaa beegsiga rag muhiim ah oo ka tirsan kooxaha muqaawamada Filistiin oo waqti xaadirkaas ku sugnaa goobahaasi, balse waxaa arinkaas gaashaanka u daruuray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xitaa hay’adaha gaarka ah ee Filistiiniyiinta.

XASUUQII ISBITAALKA KAMAAL CADWAAN

16-kii Decembar 2023 waxaa markale gudaha Qaza ka dhacay xasuuq lagu hilboobay oo ay sahaayinadu ka fuliyeen isbitaalka Kamaal Cadwaan oo ku yaala agagaarka Beytul Laahiya, halkaas oo ay ku sugnaayeen bukaano qaba dhaawacyo kala duwan iyo dad maskaxiyan ay wax u dhimeen duqeymaha xoogan ee ay waqtigaas gumeystuhu ka wadeen qeybaha kala duwan ee wadanka.

Waxay mar qura ay naftu ka haaday tobaneeyo ruux oo u badnaa haween iyo caruur, wasaarada caafimaadka ayaana ilaa hada soo gudbin tirada rasmiga ah ee halkaas ku wax yeelowday, maadaama baa la yiri ay noqotay mid xarga goosed ah, dhaawaca ayaa isaga si lamid ah shuhada waxa uu gaaray tobanaan ruux.

Gudaha isbitaalka dadkii ku sugnaa xilliga weerarkaas ayaa lagu sheegay iney gaarayeen ilaa 3,000 oo qof oo u badnaa bukaano, dad booqasho ku yimid iyo kuwa gabaad ahaan meesha u yimid si ay uga nabad galaan gantaalada yuhuuda ee sida joogtada ah u socday, balse halkii ay soo door bideen ayuu gumeytuhu ugu keenay gantaalada wax laaya.

XASUUQII ISBITAALKA AL-SHIFA

Mid kamid ah dhacdooyinka aanan wali ka go’in quluubta reer Qaza waa xasuuqii isbitaalka Al-Shifa oo ay gumeystuhu ku garaaceen gantaalo fara badan, ayna ku galeen dulaan dhanka dhulka ah, iyagoona laayey boqolaal abriyo ah oo aan waxba galabsan kuna sugan dhulkii barakeysnaa ee uu Alle u dooray, balse dulmi iyo jowr kala kulmaya sahaayino qaab xoog ah loogu deegaameeyey dhulkooda.

Dhacdadaan ayaa lasoo diiwaangaliyey markii ay taariikhdu ku beegneyd 18 bishii Maarso 2024, waxaana waqtigaas gudaha Isbitaalka ku sugnaa dad isugu jira bukaano, shaqaale caafimaad iyo barakacayaal fara badan oo gabaad ahaan usoo maciin biday gudaha Isbitaalka Al-Shifa.

Waxaa halkaas mar qura ku naf waayey ilaa 300 oo ruux oo isugu jiray bulshada qeybeheda kala duwan walow ay u badnaayeen haween iyo caruur yar yar oo ay da’aadoodu ka hooseyso 10-ka sano, waxaana intaasi sii dheer oo ay xustay wasaarada caafimaadka Filistiin iney jiraan tiro dhaawacyo ah oo intaasi sii dheer oo ay askarta gumeystaha ku fureen rasaas xoogan kadib markii ay soo gabagaboobeen duqeymaha.

Majaazirtaa iyo kabadan sida midkii Al-Nasiir kii Al-Dhaaxiyeen, midkii muqayamka Al Maqaazii iyo kuwa kale oo ka fara badan oo ay ku shahiideen kumanaan Filistiiniyiin ah, waxay banaanka keeneen cadawtooyada sahaayinada iyo inta naas nuujisa ay u qabaan muslimiintan lagu gar darooday ee weli ku sugan dhulkoodii.

KHASAARAHA MAADIGA

Marka intaas laga yimaado, waxaan sidoo kale lasoo koobi karin khasaaraha maadiga ee Gaza kasoo gaaray duullaanka Yahuudda.

Sida laga soo xiganayo wasaarada deegaameynta iyo dayactirka Filistiin, tan iyo markii uu bilowday howgalka duufaanta Al-Aqsa, waxaa burburay dhismayaal gaaraya ilaa 16,800 oo kala duwan, haddii ay noqdaan isbitaalo, goobo wax barasho, goobo ganacsi iyo dhismayaal la daganaa intuba.

Sida xoguhu ay tibaaxayaan ilaa 1,800 oo ka mid ah dhismayaashaas ay beegsadeen duqeymaha yuhuuda waxa ay noqdeen kuwa aanan xitaa dib loo dayactiri karin oo ka guurid ah, halka ilaa 1000 kale ay iguna dhulka la simeen heer la gaaray in lagu laba shakiyo in dhismayaal dhaa-dheer ay ku yiileen halkan, taas oo muujineysa awooda gantaalada uu cadawgu ku garacayey gudaha Qaza.

Khasaaraha maadiga ee ugu badan waxaa hada wajahaya goobaha caafimaad oo halbowlo u ah shacabka muslimka ah ee reer Filistiin.

Cadowga Yahuudda ayaa si ula kac ah u beegsanayey goobaha ay shacabku ku badan yihiin sida Isbitaalada Iskuulada, iyo suuqyada, waxaana hay’adda MSF ay sheegtay in ciidamada Yahuudda ay beegsadeen ku dhawaad 20 ka mid ah isbitaalada ku yaalla Gaza, islamarkaana ay howlgab noqdeen inta badan isbitaaladii ku yaallay magaalada oo tiradooda guud ahayd 36 isbitaal.

Iyadoo markii horeba la daala dhaceysay 16 sano oo go’doon ah, waxaa isbitaalada fara ku tiriska ah ee ka badbaaday duqeymaha Yahuudda ay noqdeen kuwa daawo la’aan ah, taas oo sii kordhisay musiibadii taagneyd.

Daawooyinka aasaasiga ah sida xanuun baab’iyaha ayaa hoos u dhacay 55%, halka sidoo kalena ay joogsadeen 51% daawooyinkii qidaaca uga imaan jiray dibadda.

Haddii aan eegno jaanibka waxbarashada, isaguna xaalkiisu wuxuu ahaa mid ka daran inta aan soo sheegnay, ugu yaraan 15 kun oo ruux oo isugu jira arday iyo macalimiin ayaa lagu dilay duqeymaha Yahuudda sida ay sheegtay wazaarada waxbarashada Filistiin, halka boqolaal goobood oo waxbarasho ahaana la burburiyey, sida xoguhu ay tobaaxayaana 92% boqolkiiba goobaha waxbarashada ee Gaza ayaa burburay ama howlgab noqday sababo ku aadan cudwaanka Yahuudda.

Kahor cudwaanka yahuudda, waxaa imtixaanka sanadlaha ah ee magaaladan u fariisan jiray ku dhawaad 40 kun oo arday, balse maanta dhamaan macalimiintiii iyo ardaydii ay noqday kuwa ka hoos maray burburka dhismayaasha iyo kuwa naftooda la baxsaday, iyo qaar la ildaran dhaawacyadii soo gaaray iyo humuumta ay xambaarsan yihiin.

“Waxaan kasoo shakeynay Ukraine, waxaan sidoo kale soo aragnay Xalab iyo magaalooyin kale, laakiin baaxadda burburka iyo baaba’a ku habsaday Gaza waa mid cajiib ah oo aan horay u arag” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah kormeerayaasha booqday Gaza Sanadkan gudahiisa, taas oo ah oraah ka tarjumeysa xajmiga gumaadka Yahuudda ka geystay magaaladan.

Inagoo markan kaabiga ku heyna gunaanudka warbixintan, waxaa xusid mudan in dhulkii la gaarka ahaa sumada ciziga iyo karaamada, lana oran jiray Hazaato marna Qazaato ilaa markii dambe loo bixiyey Qazata Haashim ay dadkiisu weli yihiin kuwa ku sugan xaalada aan kasoo qisoonay, codka ugu badan ee ay dhaguhu maqlaan ayaana markii hore ahaa guuxa hirarka badda, balse hada waxa uu isku badalay taaha dad ay duqeymuhu saameeyeen iyo dhalaan waalidkiisu ay kala irdhoobeen oo ilintu ka qubaneyso.

FAAFREEB PRO TEAM