Baarlamaanka Kenya ugu dambeyn xilka ka qaaday madaxweyne ku-xigeenka wadankaas Rigathi Gachagua oo tan iyo wixii ka dambeeyay bannaanbaxyadii ka dhacay dalkaa uu khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweynaha Kenya William Ruto.
Sida xoguhu ay sheegayaan ilaa 281 Xildhibaan ayaa u codeeyay in xilka laga qaado, waxaa xiligaas fadhiga baarlamaanka soo xaadiray ilaa 349 Xildhibaan, 50 ayaa diidday xil ka qaadistiisa Gachagua, halka 18 kalena ay ka aamuseen.
Xubno ka tirsan xafiiska William Ruto ayaa Talaadadii lasoo dhaafay baarlamaanka u gudbiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hurinaayo naceyb isir iyo mid guud iyo inuu dawladooda uu wiiqayo.
Talaabadaan ayey farxad galisay siyaasiyiin fara badan oo Kenyaan oo ay horay gorrada ay isku geliyeen Rigathi Gachagua, waxayna aaminsanyihiin in ninkan ay booska ka saareen uu ahaa ruux aanan meesha u qalmin oo maqaar saar ku ahaa, taas badalkeedana uu hurinayey dibaatooyin kale.
FAAFREEB PRO