Xili uu sii xoogaysanayo khilaafka udhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Eratariya ayaa lasoo warinayaa in la jaray Khadkii isgaarsiineed ee udhaxeeyay labada dal.
Muwaadiniinta udhashay labada dal ayaan hada awoodin in ay iswacaan, tallabadaan ayaana noqotay mid lama filaan ah oo aan horay loosii saadaalin.
Kumanaan Eratariyaan ah oo dalkooda kasoo qaxay ayaa ku sugan wadanka Itoobiya waxayna awood ulahaayeen in ay wacaan ehaladooda ku sugan gudaha Eratariya basle taas ayaa meesha ka baxday.
Arintaan ayaa la rumaysan yahay in ay daba socoto xiisada udhaxaysa xukuamdaha Addis Ababa iyo Asmara, taas oo mudooyinkii danbe si tartariib ah banaanka ugu soo baxaysay.