Kadib kulamo qaatay saacado oo magaalada Asmara ku dhaxmaray madaxda Kooxda Ridada ,Masar iyo Eratariya ayaa laga soo saaray war murtiyeed ay dhinacyadu ku iclaamiyeen in ay dhiseen isbihaysi.
Cabdul Fitaax Al-Siisi, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Asiyaas Afwurki ayaa sheegay in ay kawada hadleen xiisada gobolka ka taagan ayna lagama maarmaan ay tahay in ay is xulafaystaan.
“Waxaa lagu heshiiyey in la horumariyo lana sii qoto-dheereeyo iskaashiga iyo isku-xirnaanta saddexda waddan .Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso Guddi Wadajir ah oo Saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ereteriya, Masar iyo Soomaaliya, si ay iskaashi istiraatiiji ah uga yeeshaan dhammaan dhinacyada” ayaa lagu yir war murtiyeedka kasoo baxay shirka Asmara.
Heshiiskaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xisada gobolka ay sii karaar qaadanayso dhamaan dhinacyada shirayna ay xurguf siyaasadeed kala dhaxayso dowlada xabasida Itoobiya.