Dagaalo dhaxmaray maleeshiyaatka ridada oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiran ayaa lagu soo waramayaa iney sababeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida xoguhu ay sheegayaan dagaaladan ayaa u dhexeeyey maleeshiyaad kawada tirsan kooxda ridada Soomaaliya gaar ahaan kuwa taabacsan maamul goboleedka halkaas ay gaaladu ka qotomiyeen.
Waxaa barqadii shalay rasaas xoogan laga maqlayey qeybo balaaran oo kamid ah gudaha magaalada Baladweyne.
Warbaahinta ayaana weli soo bandhigin xadiga khasaaraha ay isku geysteen murtadiinta ay gudohooda dirirtu ka dhacday.
Xogaha qaar ayaa tibaaxaya in halkaas ku ku dhintay hal qof oo shacab ah.
Aalaaba murtadiinta ayaa meelaha ay ku suganyihiin waxaa dhaqan ka ah dagaalka dhaxdooda oo galaafta nolosha tobaneeyo askari oo iyaga kamid ah iyo dad muslimiin oo aan waxba galabsan, waxaana laga xusi karaa midii hada ugu dambeysay.
FAAFREEB PRO