Laba maalmood kadib markii uu Asmara ka dhacay kulankii sedax geesoodka ahaa ee mucaaradada loogu muujinayay nidaamka Abiy Axmed ayay dowladda xabashida Itoobiya uyeertay mid kamida dabadhilifyadeeda ugu muhiimsan soomaaliya.
Xafiiska amniga dowladda Itoobiya ayaa shalay gelinkii dambe Muuse Biixi Cabdi ku wargeliyay in uu iska xaadiriyo magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Abiy Axmed iyo iyo lataliyayaashiisa.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in Itoobiya ay Muuse Biixi siin doonto awaamir cusub oo uu ugu saxiixayo dhul iyo biyo ay leeyihiin shacabka soomaaliyeed.
wararka qaar ayaa sheegaya in Muuse iyo Abiy ay islasoo saari doonaan go’aanno cusub oo lagu cara gelinayo hoggaamiyaashii khamiistii lasoo dhaafay kulanka ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.
Taageerayasha maamulka Ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa baraha bulsha iskula dhax qaadaya in safarka muuse Biixi ee Addis Ababa uu daaranyahay dhaqan gelinta is afgaradkii xaaraanta ahaa ee labada dhinac dhaxmaray 1-dii bishii ee Janaayo ee lasoo dhaafay,is afgaradkaas oo xabashida Itoobiya u ogolaanayay qaadashada qeyb kamid ah badda soomaaliya iyo in ay saldhig ciidan ka dhistaan xeebaha degmada Zeylac ee gobolka Awda.
FAAFREEB PRO