New York Times: 6 Sifo oo Trump u Horseedi Doonta Guul Daro Xoogan.

Oct 12, 2024

wargeyska New York Times ayaa daabacay warbixin uu ku qaadaa dhigayo ilaa 6 sifo oo uu leeyahay Donald Trump oo hada ah mushaxa xisbiga jamhuuriyiinta kuwaasoo u horseedi kara sida ay majaladu sheegeyso guul daro iyo fashil xoogan oo ku yimaada hanaankiisan olole.

Sifooyinkan ayaana badankood si aad ah usoo ifbaxay tan iyo markii ninkan markale uu isku soo taagay xilka madaxtinimo ee wadanka Mareykanka, iyadoona marwalba ay warbaahintu soo gudbineysay qaar badan oo kamid ah astaamahan la sheegay iney burburka siyaasadeed u horseedi doonaan Donald Trump.

1-Waa Aflagaada, Trump ayaa had iyo jeer sida uu ku caan baxay waayahan dambe waxa uu areyo aflagaado ah hawada u mariyaa kooxaha dimuquraadiyiinta iyo cidwalba oo aanan la dhacsaneyn hanaaka jamuhuuriyiinta iyo ololihiisa doorasho.

Tiro badan ayaa warbaahinta lagu arkay muuqaalo uu ninkan ku aflagaadeynayo madaxda hada heysa talada wadankaas, sida Joe Biden iyo Kamala Harris, isagona sameynaya aflaago shaqsiyadeed iyo dhaleyceymo dhanka shaqooyinka dowliga ah.

2-Borobogaandada iyo balan-qaadyada beenta ah, kuwan ayaa iyagana waxay kamid yihiin tilmaamaha la saadaalinayo in guusha Trump dhulka la gali doonaan, waxayna saxiifadu sheegeysaa in 78 jirkan uu sameynayo balanqaadyo ay dadku arkaan ineysan suuragal ahayn, si kaliya uu u helo taageero fara badan oo dhan walba ah.

3-Nacebka xad dhaafka ah ee uu u qabo soo galaatiga, tan iyadana waxaay majaladu sheegeysaa iney mugdiyeyneyso in markale uu kursiga aqalka cad kusoo rogaal celiyo Donald Trump, maadaama dadkii madwoga Mareykanka iyo kuwa aanan asal ahaan u dhalan wadankan balse yaraantoodii yimid oo idil ay la safteen Kamala Harris, kuwa kalana ay hada qorsheynayaan iney isaga soo baxaan safka Trump.

Waxaa xitaa hada xuduudaha Mexico, Colombia ilaa Costarico laga soo sheegayaa dad daneynaya iney u codeeyaan musharaxa dimuqraadiyiinta, taasoo fashil usoo hoyn karta Donald Trump iyo xisbigiisa jamhuuriyiinta.

4-Rabshad abuurida, Donald Trump ayaa lagu sifeeyey inuu yahay madaxweynaha kaliya ee si cad uga qeyb qaata ama abaabulo rabshado xoogan oo ka dhaca gudaha dalka Mareykanka, kuwaas oo ugu dambeyn geesta khasaara lixaad leh, kadibna waxa uu isku dayaa inuu ku xaliyo inuu yiraahdo waa arimo dabaal dag ama shacab muujinayaan arintidooda ku aadan sheygaas ama sheygaas, waa sida ay saxiifadu dabcan hadalka u dhigtee.

5-Isku dhaxyaaca xilliyada uu jeedinayo khudbadaha iyo in mowduuc aanan quseyn siyaasada lasoo dhaxgaliyo hadal jeedinada, tani iyaduna waa dhibaatooyinka joogtada ah ee uu sameeyo Donald Trump inta uu hadalada ka jeedinayo isku soo baxyadiisa, dadka ayaana marar qaar ku jaha wareera muhiimada hadalkiisa, maadaama uu mowduucyo aanan is lahayn uu isku dhax furayo mar walba, taasina ay hoos u dhigeyso kalsoonida taageerayaasha iyo dadka waaweyn ee Tv-da hor fadhiya si ay u maqlaan waxaad lasoo shir tagtay, waa sida ay New York Times leedahayee.

6-Sifada ugu dambeysa ee Lixaad waa qaladaadka joogta ah xilliyada hadal jeedinadiisa, Donald Trump sida majaladu ay tibaaxeyso waxaa mudooyinkan dambe kusii lixaadsanaya qaladaadka siyaasada iyo u magacaabida madaxda sida saxda ah, waxaana tusaaale loo soo qaadanayaa khudbad sanadkan gudihiisa uu jeediyey xilli uu doonayey inuu magacaabo madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayu uku qalday Viktor Orban oo ah ra’iisul wasaaraha dalka Hungary ilaa markii dambe ay u sexeen kaaliyaashiisa.

Dhamaan sifooyinka aynu soo sheegnay ayey warbixintu leedahay waa kuwa dilaa ah misana soo dadajin kara guul darada Donald Trump, ciidana afka u galin kara rajada malaayiin ruux oo taageersan xisbiga uu ninkan xaqiga u hayo ee jamhuuriyiinta.

FAAFREEB PRO