Shirkadda Ethio Telecom oo ka howlgasha gudaha wadanka Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday iney iibineyso qeyb kamid ah saamiga shirkadda, midan oo sida la sheegay qeyb ka ah ololaha uu Abiy Axmed ku doonayo inuu dakhli uu kusoo geliyo qasnadda dowladdiisa ee ku dhow faaruqa.
War kasoo baxay shirkadda Isgaarsiineed ayaa lagu sheegay, in todobaadka soo socda ay qorsheynayaan iney iibiyaan ilaa 10% saamigooda, waxaana iibsan karta oo loo soo bandhigayaa cid weliba oo dooneysa.
Kadib soo bixitaankii xogahan cusub iyo talaabadan ay qaaday shirkada isgaarsiinta Itoobiya, waxaa durbadiiba mid lagu tilmaamay in lagu soo jiidinayo maalgashayadaasha Shisheeyaha, si milyaneero badan uu damac uga soo galo wadankan ayna u fangareeyaan lacago xad dhaaf ah, sidaasina ay Abey ugu suuragasho bixinta deymaha darfaha loo heysto wadankiisa.
Hogaamiyaha xukuumada Addis Ababa ayaa sidoo kale mudooyinkan dambe ku han weyn kobcinta dhaqaalaha wadankiisa oo uu isaga dhulka la galay tan iyo markii uu kursiga kusoo fariistay, balse midaas ayaa bilihii lasoo dhaafay ku noqotay riyo maalmeed, isagoona taas cagsigeed waayey heshiisyo muhiim u ahaa dowladiisa, sida midii korantada ee ay laashay xukuumada Nairobi.