Sidee Ayey Dadka Ameerikaanka ah Noloshooda Hoose u Saameysay Dagaalka Qaza?.

Oct 13, 2024

Warbixin ay daabacday majalada The Gardiun ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa looga hadlayaa sida gudaha dalka Mareykanka uu saameyn xoogan ugu yeeshay dagaalka hada kasocda Qaza iyo guud ahaan Filistiin, iyo sida ay bulshada Ameerikaanka ah hada qarka ugu saaranyihiin in iyaga dhaxdooda ay hubka isku qaataan sababo la xiriira aragtiyadooda kala duwan ee dagaalkan.

Waxay saxiifadu sheegeysaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka Sanad jirsaday ee Qaza ay bulshada Mareykanka yihiin kuwa sii kala qeybsamaya maalinba maalinta kasii dambeysa, mid walbina uu si tartiib tartiib ah uu usoo muujinayo aragtidiisa rasmiga ah ee ku aadan waxa ka socda gudaha Filistiin ee leyn ah.
Waxaa lagu soo waramayaa in dibad baxyada kala aragtida ah ee ay dhigayaan Ameerikaanka ay banaanka keentay waxyaabo badan oo ay dadku qalbiyada ku hesyteen, waxaana warbaahinta si aad ah loogu arkayey dad markoodii ugu horeeyey si cad ugu dhiiraday taageerida muslimiinta reer Filistiin waliba iyagoo wata Passaport-ka Mareykanka.

Waxaa dhanka kale dibad baxyadaas barbar socda kuwa iyagana bulshooyin kala duwan ku taageerayaan maamulka yuhuuda, walow markii la isku fiiriyo dibadaxyadaan uu marwalba xooganyahay midka lagu taageerayo shacabka reer Filistiin.

Kala qeybsanaantan dhanka fikirka ah ayey majaladu sheegeysaa in kaliy aysan ahayn mid ku ek banaanka iyo warbaahinada, balse ay u gudubtay arimaha hoose ee qoysaska, waxayna warbixintu tibaaxeysaa in qadiyada Filistiin ay ku burbureen qoysas badan, kuwaas oo aragti ahaan kala duwanaa, sida in haweeneyda ay taageereyso Filistiiniyiinta ayna kasoo horjeedo waxa kasocda Qaza, ninkuna uu taageerayo kayaanka sahyuuniga.

Sidoo kale warbixinta The Gardiun oo weli ka hadleysa kala qeybsanaanta xoogan ee ay qadiyada Filistiin ka dhax abuurtay bulshada Ameerikaanka ah ayaa tibaaxeysa, in la joojiyey xaflado aroos oo badan kuwaas oo la qorsheynayey iney dhacaan muddo dhow, sababta ayaana lagu sheegay in labada ruux ee isguursanaya ay aragti ahaa ku kala duwanaadeen qadiyada Filistiin.

Caqabadaha ugu balaaran waxaa sidoo kale kamid ah, in gudaha dalka Mareykanka ay hada adkaatay in xitaa la helo dhowr qof oo meel wada joogta oo isku aragti ka noqda xiisada ka taagan Filistiin, sida iney wada taageeraan muslimiinta oo ay kasoo horjeestaan yuhuuda, ama iney isgarab taagaan xasuuqa loo geesanayo Filistiiniyiinta.

Ugu dambeyntii xukuumada Washiton ayaa xakameyn weysay sameynta inta la eg iyo faafitaanka aragtiyadan kala duwan, waxaana Mareykanku uu noqday wadanka kaliya ee mucdhamka bulshadiisu aysan ahayn Islaam hadana ay ka dhacaan dibad baxyadii ugu balaarnaa abid ee lagu taageero muslimiinta reer Filistiin.