Roobabka Deyrta oo Ka Hoortay Qeybo Kamid Ah Gobollada Dalka.

Oct 13, 2024

Roobabka xilliga dayrta oo si wacan loogu diirsaday ayaa ka billaambay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, xilli dadka qaar ay muddooyinkii dambe wajahayeen kulaylo iyo biyo yari.

Waxay raxmadda alle ee roobka xalay mirtay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobollada Sool, Bari iyo Nugaal iyo deegaanno kale, magaalooyinka qaar ayaa lasoo wariyay in ilaa saaka ay ka da’ayeen roobab si wacan lagu diirsaday.

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal roobabkii ka da,ay ayaa lasoo wariyay inay biyo badnaayeen, muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay togagga mara magaaladaasi oo biyo badan wada.

Dhanka Sool, magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale ee hoostaga ayay roobabku biyo dhigeen, halkaas oo maalmihii dambe ay dadku ku wajahayeen xaalad biyo yari ah.