Xaaladda Amniga Gudaha dalka keenya ayaa noqotay mid aan wanaagsaneen tan markii ay ciidamada Kenya kusoo biireen duullaanka saliibiga ah ee lagusoo qaaday dalka Muslimka Soomaaliya.
Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa billaawday in ay taxliilaad iyo dabagallo ku sameyso saameynta uu amniga gudaha wadankaas uu ku yeeshay go’aankii axmaqnimada lahaa ee ay qaateen hoggaamiyaasha Kenya kaas oo ahaa in ciidamadooda ay lugaha ugeliyaan jaxiimada dagaalka ka holcaya soomaaliya.
Maqaal lagu daabacay wargeyska Daily Nation wuxuu faahfaahin ka bixinayaa sida duullaanka ciidamada KDF ee Soomaaliya uu halista ugeliyay amniga gudaha Kenya islamarkaana uu uwiiqay dhaqaalaha wadanka islamarkaana uu u abuuray xasarado dhan walba ah.
Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al – Shabaab ay si aad ah u kordheen tan iyo inta uu socdo duullaanka ciidanka Kenya ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah khubarada amniga oo lagu xusay maqaalka ayaa tilmaamay in isku xirnaan la’aanta hay’adaha sirdoonka dalkood iyo amniga gudaha ee Kenya ay sababtay in Mujaahidiinta al-Shabaab ay si fudud u beegsadaan ahdaafta ay ka leeyihiin gudaha wadankaasi
Maqaalkan ayaa Tusaale ahaan usoo qaatay weeraradii Mujaahidiintu ay ku qaadeen Westgate Mall iyo Meela kale oo ka tirsan dhulka Soomaalida NFD ee gaaladu xoogga ku heeysato.
Khubarrada Amniga ayaa sheegaya in dagaalkan oo markii hore si fudud ay ku gashay dowlada Kenya uu markii dambe isku badalay mid daba dheeraaday islamarkaana uu Kenyaatiga uhorseeday fuuqbax melleteri iyo mid dhaqaale oo ay adagtahay sida ay ugasoo kasbadaan.
Howlgallada mujaahidiinta ee gobolka Lamu iyo deegaannada dhulka NFD waxaa sii dheer midka lagu beegsanayo ilaha dhaqaalaha Kenya sida shirkadda Safaarikoon iyo mashruuca dekadaha Lamu ee loo yaqaan LAPSSET.
Weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee ay lakulantay dowladda Kenya tan iyo markii ay ciidamadeedu ku biireen duullaanka saliibiga ee soomaaliya lagu qaaday waxaa kamid ah weerarkii jaamacadda Gaarisa,Wesgate Mall,Manda Bay iyo weerarkii dhismayaasha isku raranka ah ee 14 Riverside Drive.
FAAFREEB PRO