Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada dowladda Itoobiya ayaa duqaymo culus ka gaysanaya deegaanno ka tirsan ismaamulka Axmaarada ee waqooyiga dalkaasi dhaca oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada jabhadda mucaaradka ah ee Fano.
Ilo wareedyo dhanka deegaanka ah ayaa soo sheegay in duqaymuhu xooggoodu ka dhaceen deegaanada Gercheche, oo u dhow xarunta ismaamulka ee Bahir-daar, iyo Merawi, Mecha Waqooyi, Mecha Koonfureed, iyo Achefer oo ah deegaanno ku yaalla duleedka Gojjam.
Deegaandadan duqaymaha martigeliyay ayaa waxaa ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeya maleeshiyaadka Fano iyo ciidamada millatariga dowladda, halkaas oo laba toddobaad ka hor Itoobiya kusoo gashay duullaankeeda cusub.
Ilo wareedyo maxalli ah oo xog-ogaal ah ayaa soo sheegay in ciidamada dowladda xabashida ay isticmaalayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidanka millatarigu beegsadeen xarumo iskuulo iyo iyo goobo kale oo rayidku ku badanyihiin, waxaana dadka duqaymahan khasaaraha kasoo gaareen ka mid ah dad shacab ah oo isugu jira haween iyo caruur, inkasta oo tiro rasmi ah la helin, beerallay ayaa sidoo kale ka mid ah dadka la beegsaday.
Wararku waxay intaas ku darayaan in gantaallada ay tuurayeen diyaaradaha dagaal ee ciidamada Itoobiya aysan qaarkood qarxin, sababo la xiriira dhoobada dhulka oo qoyan.
Dhanka kale, Samora Muxammad Yunis oo ah taliyihii hore ee ciidanka difaaca ee Itoobiya xilligii Males zenawi ayaa ku baaqay in la xasuuqo dadka amxaarada ah.
Jeneraalkan Tigreega ah ayaa nidaamka Abiy Axmed ugu baaqay in uu gacan bir ah kula macaamilo Maleeshiyaadka Faano oo uu ku sifeeyay kuwa halis weyn ku ah amniga qaranka Itoobiya, sida uu hadalka udhigay.