Mareykanka oo Weerarkiisii ugu Xooganaa ku Beegsaday Xuuthiyiinta Yeman.

Oct 17, 2024

Dowladda Maraykanka ayaa qaaday weeraradii ugu xoogganaa ee dhanka cirka ah ee ay ku beegsato kooxda Xuuthiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yeman, halkaas oo ay ku weerartay diyaarad dagaal oo bambooyin waawayn tuurayay.

Warbaahinnada taabacsan Xuuthiyiinta waxay sheegeen in diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Ingiriiska aroornimadii hore ee saaka duullaan ballaaran oo dhanka cirka ah kusoo qaadeen dalka Yeman.

Ilo wareedyo kala duwan oo warbaahintu soo xiganayso ayaa soo sheegay in ilaa 9 duqayn lagu beegsaday goobo kala duwan oo kala kuyaal waqooyiga iyo koonfurta Sanca oo ah caasimadda dalkaasi iyo deegaanada Kahlaan iyo Cayla oo dhanka bari ka xigta magaalada Sacdah.

Faahfaahin intaas ka baxsan ma bixin ilo wareedyada ku sugan Yeman ee xiriirka la leh kooxda Xuuthiyiinta ee saaka weerarka ballaaran kala kulantay dhanka dowlada Maraykanka.

Dhankiisa wasiirka gaashaandhiga Mareykanka Lloyd Austin ayaa shaaca ka qaaday in ciidankiisa cirka ay qaadeen weeraro bartilmaameed ah oo lagu beegsaday ilaa 5 goob oo uu ku sheegay in hubka lagu kaydiyo, kuwaas oo kuyaal aagag ay gacanta ku hayaan Xuutiyiintu.

Wuxuu intaas ku daray in weerarada sidoo kale beegsadeen xarumo ay Xuutiyiintu u adeegsadeen abaabulka weerarada ka dhanka ah maraakiibta, isagoo xaqiijiyey in dowladdiisa aysan ka labalabayn doonin qaadashada go’aanada millatari oo sida uu hadalka u dhigay lagu joojinayo weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee reer galbeedka.

Lloyd Austin ayaa si cad u sheegay in weeraradaas ay ku fuliyeen ogolaansho ay ka heleen madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, wuxuu tilmaamay in weeraradaasi ay ka qayb qaateen diyaaradaha B-2 ee tuura bambooyinka aadka uga waaweyn diyaaradaha dagaalka ee illaa hadda ay u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah kooxdan Xuuthiyiinta, waxaana xusid mudan in diyaaradaha B-2 ay awoodaan inay qaadaan bambooyin aad uga culus kuwa ay qaadaan diyaaradaha kale.

FAAFREEB PRO