Hogaanka sare ee xarakada Xamaas ayaa maanta iclaamiyay dilka hogaamiyahoodii guud Yaxya Al-Sinwaar oo ku dhintay dagaallo ka dhacay magaalada Qaza, isagoo si fool ka fool ah ula dagaallamaya ciidanka sahaayinada.
Khaliil xayya, oo ah ku-xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas ayaa sheegay in ay ku faanayaan dhimashada hogaamiyahooda uuna ahaa geesi sooma jeesta ah oo cadowga udhigay duruus adag.
Wuxuu sheegay in aysan saameyn ku yeelan doonin dhimashada hogaamiyaasha ayna sii wadi doonaan wadada halagnka ilaa dhulka Filistiin laga wada xuraynayo dhamaan sahaayinada, lagana taagayo Filistiin dowlad ay caasimadeedu tahay Qudus.