Warbixino kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in saameynta ay leeyihiin deeqbixiyaasha xisbiyada kala duwan ee Mareykanka ha noqodo kan dimuquraadiyiinta ee hada kursiga ku fadhiya, ama kan jamhuuriyiinta ee hada hardanka ugu jira sidii markale uu ugu soo laaban lahaa hogaanka wadanka ay ziyaaday mudooyinkii dambe.
Waxay xoguhu shegayaan in deeqbixiyaasha taakuleeya ololaha doorasho ee xisbiyada ay yihiin maanta kuwa wax walba awooda iney u dhigaan sida ay doonaan, sida ay iyagu ka shaqsi ahaan rabaan ayeyna wax walba u dhacayaan, mana jirto cid ka hor imaan karta aragtiyadooda, waana sida ay warbixintu sheegeyso.
Waxaa tusaale loo soo qaadanayaa midkii bishii Julay ee sanadkan 2024 ka dhacday gudaha xisbiga dimuquraadiyiina, kadib markii ay deeqbixiyaasha xisbiga ay diideen iney ku tabarucaan wax lacag ah ilaa uu musharaxnimada ka tanaazulayo Joe Biden, iyagoona waqti xaadirkaas u sababeeyey wax qaba xumadiisa iyo sida uu ugu soo fashilmay doodii uu la yeeshay ninka la tartamayey ee Donald Trump.
Waxaa xiligaas lagu soo waramayaa in deeqbixiyaashu ay xayireen lacag cadadkeeda lagu sheegay ilaa 90 Milyan oo Dollar, taasoo sida la sheegay halbowla u ahayd ololaha uu ku jiro xisbigan, waxayna wacad ku mareen in aysan wax lacag a fasixi doonin ilaa Biden uu shaaciyo ka tanaazulidiisa, waana midii dhacday oo muddo kama soo wareegan madaxa aqalka cad ayaa sheegay inuu ka haray ololaha badalkiisana uu keenay Kamala Harris.
Gunaanudkii warbixintan ayaa daaha ka rogeysa sida maanta ay talada dalka Mareykanka xilliyada doorashada ay uga go’ado deeqbixiyaasha, waana kuwa cida ay maslaxadooda ka dhax arkaan kursiga kusoo fariisin kara iyadoo aanan loo aaba yeeleynin aragtida shacakaasi.
FAAFREEB PRO