Wargeyska Nezavisimaya ee ka soo baxa dalka Ruushka ayaa nashriyey maqaal ku saabsan Shiinaha oo mudooyinkan dambe u muuqda mid sara u kac ka sameeyey dhanka sameynta hubka wax baabi’iya ee Nukliyeerka.
Waxay ugu horeyntii saxiifadu tibaaxeysaa in Shiinahu markii Lix sano ka hor uu sameeynayey tijaabadiisii ugu horeysay ee Nukliyeerka ay dowlado badan saadaalinayeen waxa maanta la sheegayo ee ah inuu kusii talaabsanayo hormar dhanka hubkan ah.
Binging ayaana hada waxay noqotay sida lagu soo waramayo dalka saddexaad ee ugu weyn dhinaca hubka Nukliyeerka marka laga reebo Ruushka iyo Maraykanka oo lagu tilmaamo quwadaha Nukliyeerka.
Moscow ayaa lagu soo waramayaa in iyadu ay tahay xukuumada dacminta ugu balaaran siisay Bijiin si ay usoo kaartoo martabada Sadaxaad ee kala sareynta wadamada looga heebeyso hubkan, waxay midaas u sameysay baa la yiri si reer yurub hadii Ruushka ay isku soo dayaan uu Shiinuhu u noqdo gurmadka ugu horeeya ee laga helo qaarada Aasiya.
midaan ayaana ugu dambeyntii lagu soo waramayaa iney cabsi balaaran ku beertay Mareykanka iyo xulafadiisa, hadii Washitong ay talaabo isoo qaado dhanka Ruushaka ayaana laga baqayaan iney gobolka uu ka qarxo dagaal loo dhanyahay oo ka dhan ah Mareykanka, kaasoo ay iksu garab san doonaan xukuumadaha Moscow, Bijiin iyo Pyoyang.
FAAFREEB PRO