Kadib Dilkii Sinwaar Mareykanka oo Kumaandoos Gaar ah u Diraya Deegaanada Yuhuuda.

Oct 20, 2024

Warbixin uu daabacay wargeyska New York Times ayaa diirada lagu saaray Mareykanka oo askar fara badan oo kumaandoos ah u diray deegaanada yuhuuda, kadib markii la dilay Yaxya Sinwaar oo ahaa madaxii xafiiska siyaasada ee ururuka Xamaas.

Waxay majalladu sheegeysaa in xukuumada Washington ay midan ka damacsantahay garab siinta maamulka isugu yeera Israel si dib uu ugu soo ceshto maxaabiista faraha badan ee gacanta ugu jirta kooxaha wax iska caabinta reer Filistiin.

Askarta oo lagu sheegay iney yihiin kuwa xul ah ayaa sidoo kale ciidanka Natanyaahu waxay siin doonaan baa la yiri talooyin sida ugu dhaqsiyaha badan ku geyn kara halka ay joogaan maxaabiista, iyagoona xitaa kala qeyb qaadan doona hadii ay galayaan howgalo qar iska tuurnim ah oo halistiisa wata.

Marka intaas looga gudbo askarta kumaandooska ah ee uu Mareykanku usoo diray yuhuuda kadib dilkii Yaxya Sinwaar, waxa uu dhanka kale wargeyska New York Times ku waramayaa in Joe Biden xitaa uu soo diray saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’ada sirdoonka ee CIA-da, si ay sahaayinada ugu garab istaagto dib usoo celinta maxaabiista ka maqan.

Saraakiishan sirdoon kuwa lasoo diray mooyee waxaa jira kuwa kale oo iyagana ka hagaya xarunta dhexe ee CID-da oo ku taala gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana lagu tilmaamay silsilad sirdoon oo sahaayinada garab siin buuxda ula timid.

Dadaaladan zaaidka ah ee uu Mareykanku ugu jiro soo celinta maxaabiista yuhuuda waxay dabcan noqoneysaa mid kusoo aadeysa xilli kalimad uu saacado ka hor jeediyey Khaliil Al-Xayah oo ah ku xigeenkii Yaxya Sinwaar uu ku sheegay in marnaba aysan ku riyoon yuhuuda iney dib u helaan maxaabiistooda ilaa ay joojinayaan xasuuqa ay kawadaan Qaza, ayna iska baxayaan guud ahaan dhulka Filistiin.

Waana kalimadan baa la yiri waxa sababay in Mareykanku uu durbadiiba bilaabo is uruursi iyo in askar kala duwan uu usoo diro deegaanada yuhuuda si ay garab ugu siiyaan soo furashada maxaabiista, oo ay aaminsayihiin in hada ay si fudud ku ogaan karaan xaaladooda iyo halka ay ku suganyihiin maadaama ay dileen Yaxya Sinwaar oo ahaa ninka hortaagan misana laf dhuungashay ku noqday sidii ay dib ugu heli lahaayeen yuhuudooda gacanta ugu jirta kooxaha wax iska caabin Filistiin.

FAAFREEB PRO