Taliyaha booliska Itoobiya General Demelash Gebremichael ayaa shaaca ka qaaday in la dhamaystiray qorista ciidanka, samaynta doonyaha iyo guud ahaan diyaar-garowgii lagama maarmaanka u ahaa adeegga ilaalinta xeebaha oo uu ballan-qaaday in dhawaan la hawl-gelin doono.
General Demelash oo ka hadlayay manaasibad lagu maamuusayay saraakiil boolis ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimada ay Ilaalada Xeebuhu u leeyihiin ilaalinta goobaha loo dalxiis tago, sida biyo-xidheenka Wabiga Niil ee Itoobiya.
Itoobiya ayaa weli kusii adkaysanaysa damaca qar-iska-xoornimada ah ee ay ku rabto inay ku fushato heshiiskii xaaraanta ahaa ee MOU-ga ee bilawgii sanadkan ay ka saxiixatay madaxa maamulka la baxay Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi.
FAAFREEB PRO