Sarkaal Xabashi Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Magaalada Qaza.

Oct 22, 2024

Xoogagga muqaawamada Falasdiin ayaa shalay laayay askar Yahuud ah oo duullaan ku qaaday xaafadda Jibaaliya ee magaalada Qaza.

Weerar si aad ah loosoo qorsheeyay oo lagu beegsaday kolonyo Yahuud ah askartii ku halaagsamay waxaa kamid ahaa Xabashi kasoo jeeday dalka Itoobiya.

Calooshood ushaqeystayaasha Yahuudda ka barbar dagaallamaysa ayaa xaqiijiyay in uu bakhtiyay Iliish Yuung oo ahaa Itoobiyaan Xabashi ah kaasi oo sanado ka hor gaaray Yahuudda si uu uga helo dhalasho iyo deganaanshiyo.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaalka askarigan Itoobiyaanka Yahuudda kabarbar dagaallamayay,wuxuu dhulka falasdiin utagay sidii uu safka yahuudda uxoojin lahaa isagoo dhaafsanaya shilimaad balse muqaawamada dalkooda difaacanaya ayaa qudha ka jaray.

Boqolaal murtazaqo Xabashi Itoobiyaan ah ayaa ka barbar dagaallamaya ciidamada sahaayinada dhowaan ayayna iskasoo duubeen Video iyagoo ku sugan jiidda dagaalka.

Saraakiil muhiim u ahaa sahaayinada ayaa isbuucan gudihiisa lagu dilay magaalada Qaza waxaana kamid ahaa sarkaal darajadiisa ciidan aheyd gaashaanlle kaasi oo ahaa taliyaha guutada 401 ee gaadiidka gaashaaman.