Xog Laga Helayo Kulanka Gurguurte iyo Ruto Dhaxmaray.

Oct 23, 2024

Madaxwaynaha Kooxda Ridada Soomaaliya murtad Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Nayroobi ayaa Wilyam Ruto kala hadlay khilaafka kala dhaxeeeya maamulka ashahaado ladirika ah ee Jubalanad.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka Ruto iyo Gurguurte lagu soo hadal qaaday sidii Axmad Madoobe loogu qancin lahaa in uu dib ugu laabto Mogdisho uuna aqbalo shuruudaha uu wato madaxa Koxda Ridada.

Madaxa maamulka Jubbaland ayaa todobaadyo kahor dib ugu laabtay magaalada Kismaanyo kadib markii uu gaashaan udaruuray dhamaan qorshayaashii ay wadatay Villa Soomaaliya ee ahaa in mudo kororsi hal sano ah loo sameeyo kadibna la qabto waxay ugu yeereen doorasho qof iyo cod ah.

Axmad Naasir Cabdullaahi oo kamid ah siyaasiyiinta Kenya ayaa tilmaamay in wadahaallada ka dhacay Nayroobi lagu soo hadal qaaday arintaan, si Wilyam Ruto uu Axmad Madoobe ugu cadaadiyo in uu aqbali rabitaanka Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna yiri

“Waxaan arkaa Madaxweynaha Soomaaliya oo jooga Nairobi. Sida muuqata, wuxuu ka codsanayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu taageero qorshihiisa sharci-darrada ah ee hal qof hal cod, isaga oo aan wax taageero ah ka heysan dowlad goboleedyada,”

Dowlada saliibiyada ah ee Kenya ayaa ah mida dhisatay maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku haysa Axmad Madoobe, wuxuuna ninkaan ku shaqeeya awaamirta looga soo yeeriyo Nayroobi, sidaa darted Gurguurte ayaa xal u arkay in maamulka Jubbaland uu halkaasi ka cadaadiyo si u hirgalaan qorshayaasha uu wato ee la xiriiro arimaha doorashooyinka gaaleedka.