Waa Maxay Feylasha Muhiimka ah ee ay Iiran Gacanta ku Dhigtay?.

Oct 23, 2024

Warbixin uu daabacay Wargeyska Haaretz ee laga leeyahay deegaanada maamulka gumaustaha Yahuuda uu ixtilaalk ku haysto, ayaa looga hadlay fadeexo caalami ah oo ay dhax dabaalanyso wasaarada difaaa dowlada saliibiyada ah ee Maraykanka.

Baraha ay bulshadu ku xiriirto si gaar ah barta Telegram ayaa waxaa lagu faafiyay labo dukuminti kuwaas oo muujinaya qorshaha lagu weerari lahaa dowlada Iiraan taas oo si wadajir ah udiyaariyeen Maraykanka iyo maamulka isugu yeeray israa’il.

Maqaalka ayaa waxaa saxiifada ku daabacay Alon Pinkas waxuuna sheegayaa in tani ay tahay fashil sirdoon, si gaar ahna ay ceeb ugu tahay sirdoonka Maraykanka.

Yaa faafiyay xogtaan?

Xogtaan waxaa lagu faafiyay bar lagu magacaabo Middle East Spectator waxaana la sheegay in ay si gaar ah gacanta ugu hayso dowlada Iiiraan.

saxiifadu waxay sheegtay in laga yaabo in macluumaadkaasi uu tasriibayay shaqsi, ayna dhici karto in aysan aheyn mid ku talagala.

Dowlada Iiiraan ayaa la sheegay in ay aad ugu diyaargarowday dullaan uga yimaada maamulka Yahuuda, iyadoo waliba wax ku dhisanaysa macluumaadkaan ay heshay, waxaana dhici karta in ay ku lug leedahay dowlada sadaxaad sida Shiinaha ama Ruushka.

FAAFREEB PRO