Booliska Kenya oo Qeyb Ka Ah Dhibaatada Lagu Haayo Shacabka Soomaalida ee Xaafadda Islii.

Oct 27, 2024

Mid kamida xildhibaannada baarlamaanka dowladda saliibiyadda Kenya ayaa qiray in ciidamo boolis ah ay qeyb ka yihiin dhibaatada lagu hayo shacabka soomaalida ee xaafadda Islii.

Soomaalida Ku nool gudaha kenya oo ay soo foodsaartay cabsidii ugu badneed kadib dilal iyo afduub loo geystay dad soomali ah oo ku nool dalkaas.

xilli ay sii kodhayaan dilalk iyo dhaca ka dhan ah shacabka soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ayay bulshadu dareemaysaa in lagu hayo beegsi gaar ah, waxaana jira dhinacyo kala duwan ee isku kaashadaya dhibaateynta soomaalida ku noo kenya

Cabsidan ayaa saameysay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaalida ah ee ku nool kenya kadib markii ay sii bateen Afduubka iyo dilalka cashwaa’iga ah ee loo geysanayo bulshada.

Dad ay ka mid yihiin ganacsato, aqoonyahano, dumar iyo carruur ayaa afduub iyo dil loogu geystay dalka kenya gaar ahaan magaalada Nairobi. Iyadoo ay ugu dambeeysay hooyo iyo labadeeda gabdhood oo isbuucii hore maydkooda laga helay xafad ka tirsan caasimadda Kenya.

Boqolaal qoys ayaa bilaabay in ay ka guuraan xaafadda Islii oo ah meesha ugu badan ee soomaalidu ka degantahay dalka Kenya, beegsiga ugu daran ayay burcaddu ku hayaan dumarka iyo darawallada ku shaqeysta gaadiidka taksiyada.

iskusoo bax ballaaran oo Islii ka dhacay ayay qeybaha kala duwan ee bulshadu ku muujiyeen xaaladda ammaan darro ee foos saartay.

bulshada ayaa kagil gilatay falkii argagaxa lahaa ee lagula kacay hooyo 36 sana jir ah iyo labadeeda gabdhood kuwaas oo meydadkooda waddooyinka lasoo dhigay waxaana sii xigay toogasho loo geystay nin darawal ah.

Yuusuf xasan oo kamid ah golaha dawaaqiidda dowladda kenya ayaa qiray in xaalad adag ay ka jirto xaafadda islii islamarkaana ay dowladda kenya ku fashilantay sugidda ammaanka shacabka.

xidlhibaankan ayaa qiray in ciidamada booliska dowladda saliibiyadda kenya ee loo diro xaafada islii ay baaritaan bulshada soomaaliya ayna isku bedeleen burcad qeyb ka ah dhibaatada.

Indheergaradka soomaalida ee ku dhaqan Nairobi ayaa aaminsan in dilalka iyo dhaca ay geysanayaan xubno katirsan sirdoonka Kenya kuwaas adeegsanaya xeelado cusub.