Wargeyska New York Times ee ka soo baxa Maraykanka ayaa nashriyey maqaal ku saabsan hogaamiyaha Iran Ayatullah Cali Khamenei oo la il daran xanuun halis ah oo uu geeriyoon garo waqti walba, hadaba waa kuma ayaa la yiri ruuxa la saadaalinayo inuu badali karo ninkan.
Saxiifadu waxa ay leedahay shaqsiga kaliya ee hada la dhiho karo wuu badali doonaa Khamenei inuu yahya wiilkiisa Labaad ee Mojtaba, waa nin hada saamneyn xoogan ku leh gudaha siyaasada Iran, inta badana wax ka maamula daaha gadaashiisa, misana leh fulinta mashaaric badan oo si maalin leh loo qabto.
Sida joornaalka uu xogtiisa kusii darayo waxa uu Mojtaba wax ku bartay jaamacada Tehran isagoona ku taqasusay kuliyada shareecada.
Ma jiraan cadeymo ay warbixnta New york times ay wax ku dhisaneyso, maadaama ay leedahy Mojtaba waa ninka kaliya ee gali doona badalka Khamenei?
Dabcan oo waxay soo xiganeysaa majalada saraakiil sirdoonka oo reer galbeed ah kuwaas oo cadeynaya in Mojtaba uu sanadii ugu dambeysay uu ahaa gacanta midig ee aabihii, si qoto dheerna ugu lug lahaa maareynta siyaasadda Iran, dhanka kalana uu gacan libaax leh ku leeyahya barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.
Marka joornaalku isagoo xogtaas iyo kuwa kale wax ku dhisanaya ayuu leeyaya kani waa ruuxa ninka kaliya ee hada la saadaalinayo in kusoo fariisto kursiga uu aabihii ku fadhiyo tan iyo sanadii 1989-kii.
FAAFREEB PRO