Wargeyska Macaariif ayaa daabacay maqaal uu qalinka u qaatay qoraaga yuhuudiga ah ee Jackie Khoji, kaasoo uu ciwaan uga dhigay “warbaahinta Sucuudiga waxay nagala qeyb qaadatay dabaaldegeenii kadib markii aan dilnay Sinwaar”.
Waxa uu ninkan qoraalkiisa ku muujinayaa sida maanta ay warbaahinta carabta qaarkood ay u noqdeen kuwa la safan maamulka isugu yeera Israel, ayna ugu farxayaan guulaha yuhuuda dhanka kalana ay u daah saarayaan jabka soo gaara sahaayinada.
Waxaa intaasi lagu daray in warbaahinada Al-Xadath, Al-Carabiya iyo MBC ay maanta noqdeen kuwa kaliya sheeda sarre ka ah islaam balse si hoose ula socda ugana wal walba axwaasha yuhuuda, markii qabar weyn oo farxad galinayana yuhuuda uu yimaado aysan u qarsan karin cadawtooyadooda, waxaan arkeysaa iyagoo si cad ula soo banbaxay wixii ay laabohooda ku qarsanayeen.
Sida horayba aan usoo gudbinay Tv-ga weyn ee MBC waxa uu diyaariyey kadib dilkii Yaxya Sinwaar muuqaal soconayey muddo 15 daqiiqo ah, kaasoo ka careysiiyey bulshada islaamka inteeda badan, waxa uuna qoraagu leeyahay muuqaalkaas iyo kuwa kale oo lamid ah midana ka yimid dhanka warbaahinta carabta gaar ahaa Sucuudiga ma ahan kuwa la iska indha saabi karo, waana la arkayaa farxada ka muuqata dadkaas diyaariyey muqaalada.
“Wargeysyada ugu waaweyn ee Sucuudiga waxay u dabaal dagayeen si lamid ah kuweena cibariga kadib dilkii Sinwaar iyo Haniyah” waxaa sidaas yiri qoraagan yuhuudiga ah.
Gunaanudii tan ma ahan markii ugu horeysay ee ay taraariitu soo badhigaan wajiga dhabta ah ee warbaahinada ugu waaweyn carabta gaar ahaa kuwa Sucuudiga, waxayna horay bulshada Islaamka u qaadeceen daawashada Tv-ga qadiimiga ah ee Al-Carabiya, oo ay markii shucuubta islaamka ka amakaageen muslimiin nacebkiisa ay u bixiyeen Al-Cibri.
FAAFREEB PRO