Ugu yaraan 18 qof oo shacab oo ay ku jiraan carruur iyo dad wayeel ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weeraro cusub oo ay diyaaradaha dagaalka dowlada Saliibiga itoobiya ka fuliyeen degaana ka tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.
Weeraradan ayaa lasoo warinayaa in ay maalmihii Sabtigii iyo Axadii ka kala dhaceen magaalooyinka Shewa, Gojjam iyo Gondar ee gobolka Amxaarada, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka itoobiya.
Muqaalo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay xaafado la sheegay in ay duqeyn diyaaradeed ka dhacday ee degaanka Shewa iyadoo la arkayay Qoysas laga dilay Caruur oo barooranaya.
Duqeymahan soo badanaya oo ay Diyaaradaha an duuliyaha laheyn ee dowlada saliibiga Itoobiya ka geysanayaan gobolka Amxaarada ayay dowlada itoobiya ku tilmaamtay howlgal ay ku ciribtireyso kooxaha-amxaarada hubeeysan ee ka soo hor horjeeda dowlada itoobiya.
Dhinaca kale jabhada Fano ayaa guulo waaweeyn ka sheegtay dagaalo ba’an oo isbuucyadii lasoo dhaafay kasocday gobolka amxaarada. Iyadoo muqaalo ay kooxdu kusoo bandhigtay baraha bulshada ay ku sheegatay inay in ka badan kun askari oo ka tirsan milateriga dowlada saliibiga itoobiya ku dileen boqolaalna ku afduubteen dagaaladaas.
Wali dowlada itoobiyaha kama aysan hadlin qasaaraha lasheegayo inu ciidankooda kasoo gaaray dagaaladan ka socda gobolka Amhara.