Ruux Soomaali Ah oo Lagu Dilay Dalka Maraykanka.

Oct 28, 2024

Wararka ka imaanaya wadanka Maraykanka ayaa ku waramaya in halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro Soomaali ah.

Ruuxa la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdiraxman, waxuuna ahaa wiil dhalinyaro 18 jir ah.

Falkaasi ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Columbus ee gobolka Ohio , waxaana lagu aasay isla qubuuro ku yalla magaalada.

Dilka Maxamad Cabdi Raxmaan ayaa looga shakisanyahay dhalinyaro Soomaaliyeed oo kale, waxaana la dilay xili uu ku sugnaa goob lagu cayaaro Baaskiilada.

Wadanka Maraykanka waxaa mudooyinkii danbe ugaarsi isku haayay dhalinyarada Soomaalida, ah, kuwaas oo aad u isticmaala balwada ama si deg deg isku qaarijiya markii ay is maandhaafaan.

Waa qeyb kamid ah dhibaatada Soomaalida ku haysata qurbaha, waalidiin badan ayaana aad uga walwalsan masiirka caruurtooda, kumana sii jirto markii ay iyaga dhaxdooda isdilayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

FAAFREEB PRO