Wargeyska kasoo baxa degaanada yuhuuda ee Harataz ayaa nashriyey maqaal ku saabsan mid kamid ah dharbaaxooyinkii ugu culsaa ee dhanka Inernet-ka ah oo soo gaaray maamulka isugu yera Israel.
Waxaa lagu waramayaa in koox isku sheegtay iney yihiin xisbi gaar u taagan diidayna iney shaaciyaan magacooda ay saacadihii koobnaa ee lasoo dhaafay ay sameeyeen, wax gacmaha madax u saaray sahaayino badan, waana in banaanka ay keeneen aqoonsiga boqolaal isugu jirta askar iyo saraakiil sahaayino ah iyo xitaa xogta xurmo ciidan oo qorsoodi ah.
Waxyaabaha ay xogta saxiifadu sheegeyso in ragan ay banaanka keneen waxaa sidoo kale kamid ah halka ay sida gaarka ah u daganyihiin saraakiishan ciidan ee lasoo bandhigay, mushaharka ay qataan iyo darajo ahaan halka ay ka joogaan kayaanka sahaayinada, waana mid fajaciso ku noqotay dad badan.
Waxaa sidoo kale meesha aanan ka marneyn oo ay kooxda sameysay jabsiga Inernet-ka soo badnhigeen boqolaal dad rayid ah aqoonsigooda, sida halka ay deegaan ahaan ku suganihiin, cadadka uu ka koobanyahay qoys walba iyo xogo kale oo fara badan.
Waxaana ugu dambeyn baraha kala duwan ee Internet-ka lagu baahiyey dhamaan faylashan xasaasiga ah, iyagoona raga sameeyey falkan oo sheegay iney yihiin xisbi gaar u taagan ay dhanka kale muujiyeen sida adag ee ay kaga soo horjeedaan xukuumada uu majaraha u hayo Binyamiin Natanyaahu.
Maxay wargeysyada kala duwan ee qodob wax ka qoray ay ka leeyihiin su’aasha ah maxay tahay wada u fududeysay ragan iney sidan fudud gacanta ugu dhigaan xogtan oo idil, ma waxay soo mareen wadooyinkii jabsiga xaga Internet-ka ee caanka ahaa mise waxay ka faa’ideysteen dul duleelo kale?.
Waxay inta badan joornaalada kala duwan leeyihiin kooxdan waxay ka faa’ideysatay dul duleelo dhanka taleefanka amnigiisa ah, waxayna kasoo geleen dhanka Game caan ka ah dunida ayna isticmaalaan inta badan dadka yuhuuda ah, dhanka kalana wey jiraan aragtiyo kale oo barbar socda balse midan ayaa hada ugu muhiimsan.
Su’aasha kale ayaa ah ma jiraan saldhigyo xasaasi ah oo kamid noqday kuwa xogohooda daahsoon lasoo bandhigay?
Haa, waxaa kamdi ah saldhiga diyaaradaha Tel Nof, waxaa kamid ah kuwa dhanka bada ee Ashaduud iyo iilaat, iyo xitaa saldhiga la aamisanyahay in sahaayinada ay ku keedsadaan hubka Nukliyeerka ee Sadwatu Meyqaa.
Midan ayaana ugu dambeynii markale lagu tilmaamay sidaan horay usoo xusnay dharbaaxadii ugu darneyd ee dhanka Internet-ka ah oo soo gaarta mamaulka isugu yeera Israel mudooyinkan dambe gaar ahaan inta hada uu holcayo loolanka xoogan ee kala dhexeeya kooxaha wax iska caabinta reer Filistiin.
FAAFREEB PRO