Joornaalka Macaariif ee wax ku qora afka cibriga ayaa nashriyey maqaal uu kaga hadlayo maamulka yuhuuda oo doonaya dhisida guuto ciidan hor leh oo si uu uga hortago maadaama ay kusii lixaadsadeen weerarada kaligii duulnimada ah ee lagu beegsanayo shacabka iyo askarta sahaayinada.
Waxaa ugu horeyntii qoraalka saxiifada lagu sheegayaa, in wasiirka Difaaca gumeystaha iyo taliyaha guud ee ciidanka ay isla meel dhigeen dhisida guutoo hor leh oo la doonayo iney ka howgasho xuduudadaha dhalka ay xooga kula wareegeen uu la leeyahay wadamada Masar iyo Urdun.
Bayaan uu soo saaray xafiiska guud ee ciidanka yuhuuda ayaa lagu cadeeyey, in muhiimada ugu weyn ee ay talaabadaan u qaadayaan ay tahay si ay uga hortagaan dharbaaxooyinka xoogan maalmahan kusoo noq noqday ee uga imaanaya dhanka halyeeyada muslimiinta ah ee kasoo jeeda Urdun iyo Falasiin.
Inta ay ciidankan ku suganyihiin xuduudahan ayey sahaayinadu sheegeen in ay adeegsan doonaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska, taasoo dabcan muujineysa goob gariirka uu gumeystuhu ka wajahayo dhanka muslimiinta kaligood duulayaasha ah ee dhankooda ka wada naafeynta cadawga.
Marka laga soo tago in sahaayinadu ay guutadaan ciidan ay u dhisayaan cabsi ay ka qabaan weerarada ay fulinayaan halyeeyada kaligiid duulayaasha ah, ma jirtaa sabab kale oo ku riixeysa gumeystaha?
Way jirtaa ayey leedahay warbixinta, waana in weli ay taagantahay cabsidii ay sahaayinadu ka qabeen in kooxaha muqaawamada uu halkan uga soo gudbo hub kala duwan, yacni dhanka xuduudaha Urdun iyo Masar, hadaba labadaas baqdin oo is biirsaday ayaana maamulkan isugu israel ugu dambeyn ku dhalisay dhisida guutadan ciidan oo iyadana looga casbi qabo in har cad lagu feenan doono xuduudaha kala duwan.
FAAFREEB PRO