Ruushka oo Muddo Kadib Sameeyey Tijaabo Dhanka Ganataalada Ballistic-ga ah.

Oct 31, 2024

Ruushka oo muddo kadib sameeyey tijaabo dhanka ganataalada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba.

Sida lagu waramayo xukuumada Moscow ayaa saacadihii lasoo dhaafay sameysay tijaabadan, iyadoona riday ilaa dhowr gantaal oo Baalistic ah si gaar ahaaneed kuwa awooda u leh iney xambaaraan madaxyada cul-culus ee Nukliyeerka, iyadoo la adeegsanayo gantaallada kala ah Yars, Bulava iyo Sineva.

Kadib tijaabadan wasaarada difaaca Ruushka ayaa sheegtay in midan ay qeyb balaaran ka ahayd dhoolatus in muddo ah la qorsheynayey oo soo bilowday maalinimadii talaadada ee lasoo dhaafay kasoo ay kasoo qeyb galayeen guud ahaan ciidanka Ruushka.

Dhanka kale madaxa xukuumada Moscow Vladimir Putin ayaa isagoo aalada fogaan aragga kula xiriirayey saraakiisha sar sare ee militariga, wuxuu sheegay in dhoolatuskan uu ka mid noqon doono tallabo ay sare ugu qaadayaan misana ay wax uga beddelayaan siyaasadda adeegsiga hubka Nukliyeerka oo ay ku jiraan gantaallada ballistic-ga ee xambaari kara madaxyada hubkan.

Ugu dambeyntii halka wasiirka difaaca Ruushka Andrei Belousov waxa uu dhankiisa sheegay, in dhoolatuskan uu yahay mid loogu talagalay in dunida ay ku ogaato sida ay heegan ugu yihiin hadii dhan walba uu uga yimaado weerar Nukliyeer ah, saacad walba galbeedka uu heli karo jawabaatiisa ku haboon, dabcan waa sida hadalka loo dhigee.

Kani waxa uu noqonayaa dhoolatuskii Labaad oo uu Ruushku gobolka ka sameeyey muddo kooban gudeheeda, waa taan ogeyn midkii ay Moscow sameysay 20 bishan gabaabsiga ah ee October, kaasoo la sheegay in ay uga jawaab celineysay midkii uu sameeyey gaashaan buurta NATO.

FAAFREEB PRO