Malaayiin Ruux oo Ameerikaan ah oo Durbadiiba Codadkooda Diiwaangaliyey ka hor Doorashada.

Nov 2, 2024

Iyadoo maalmo kooban ay ka dhimanyihii doorashada dalka Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in in ka badan 70 milyan oo qof ayaa mar hore diiwaan galiyay codadkooda, sida laga soo xigtay tirooyinka ugu dambeeyay ee Lab ka doorashada ee Jaamacadda Florida.

Iyadoo tiradaasi ay ka hooseyso rikoorkii la dhigay 2020 ee ahaa 101.5 milyan oo waliba uu saameeyay Covid kii, waxay wali ka badan tahay tirada codadka horey ee lloo diiwaan galiyay ee sanadkii 2016 kii oo ahaa (47.2m) iyo 2012 kii oo ahaa (46.2m).

Waxaa dhanka kale weli socda saadaalo kala duwan oo sheegaya in ay jiraan sababo dhowr ah oo muujinaya in markale uu kursiga kusoo laaban karo Donald Trump, waasa la arki doonaa wixii soo baxa 5 bishan November oo ay naga xigto muddo 4 maalmood oo kaliya.

FAAFREEB PRO