Shiinaha oo ka Walaacsan Isku soo Dhawaanshiyaha Ruushka iyo Kuuriyada Woqooyi.

Nov 3, 2024

Warbixin ay nashriyeen saxiifadaha Qaaziita iyo The Economist ayaa diirada lagu saareysa walaaca Shiinaha ee ku aadan isku soo dhawaashiyaha Ruushka iyo Kuuriyada Woqooyi.

Waxay warbixintan sheegeysaa in xukuumada Beijing aysan marnaba ku qanacsaneyn ayna ka niyad jabsantahay xiriirka sii xoogeysanaya mudooyinkan dambe ee u dhexeeya Pyoyang iyo Moscow, iyadoona midaas loo sababeeyey arimo dhowr ah oo ay midi ugu cadahay.

Mida ugu weyn ayaa lagu sheegay in Shiinuhu uu si aad ah kaga cabsanayo in hogaanka gobolka ay si toos ah ula wareegaan labadan awoodood, sidaasina ay usoo istaagaan meel cidla ah kaliyana ay noqdaan kuwa indhaha ka wada waxa ay fulin doonaan Ruushka iyo Kuuriyada Woqooyi.

Dhanka kale majaladan oo soo xiganaya falanqeeyey siyaasadeed ayaa sheegay cilaaqaadka Moscow iyo Pyoyang uu dab kusii shidayo loolanka xoogan ee u dhexeeya Shiinaha iyo Kuuriyada Woqooyi, lagana yaabo in midaas ay gobolka u horseedo xiisad hor leh oo ka madax banaan mida hada ka dhax oloolsan Labada gacan ee Kuuriya.

Wargeyska The Economist waxa uu sheegayaa in Shiinuhu uusan marnaba noloshiisa uusan ku qancin xiriirada sii lixaadsanaya ee u dhexeeya Valadamir Putin iyo Kim Jon Un, kaliyana uu Xi Jinping isku muujinayo mid ku faraxsan talaabooyinkaas.

Majiraan waxyaabo kale oo la xusay oo Shiinaha ku riixaya cabsidan xoogan oo uu ka qabo xoogeysiga xiriirka u dhexeeya Kuuriyada Woqooyi iyo Shiinaha?

Haa wey jiraan, oo falanqeeye Victor Cha oo Ameerikaan ah waxa uu sheegayaa in Shiinaha waxayaabaha kale ee ku dhaliyey cabsidan uu ka qabo xiriira sii lixaadsanaya ee u dhexeeya Moscow iyo Pyoyang ay kamid tahay, ka baqida uu ka baqanayo in hadhow ay xakameyn waayaan ama xitaa ay awood u yeelan waayaan iney sameeyaan is difaacid hadii dagaal uu qarxo awooda goblkana ay gacanta ku dhigaan Kim iyo Putin.

FAAFREEB PRO