Warbixin-Halaaga Fagner ee Galbeedka Qaarada Afrika.

Nov 5, 2024

Warbixin uu daabacay wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegaysa, in sumcadda kooxda calooshood u shaqeystayaasha Fagner ee hoostaga Ruushka oo mar isku muujin jiray iney yihiin awood aanan la loodin karin, ay noqotay mid si aad ah mudooyinkii dambe ugu burburtay gudaha qaaradan Afrika.

Waxay ugu horeyntii warbixintu sheegeysaa in maleeshiyaatka ay dharbaaxooyinku ugu culus kala kulmeen dhanka mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Musliin ee ka dagaalanta galbeedka qaarada Afrika.

Waxaa lagu waramayaa in askarta Fagner ay mar qura lugaha lasoo galeen jaxiimo dagaal oo aysan filaneyn, halaag xoogana uu ku qabsaday dhulka saraxaha ee galbeedka qaradan, waliba iyagoo xilligaas ay wehlinayaan murtadiin dalkoodii iyo diintoodiiba dhaafsaday sandareerto yar iyo daba dhilifnimo.

Warbixinta joornaalka ayaa tusaale usoo qaadaneysa jabkii Fagner gudaha dhulka Maali ka gaaray bishii July ee sanadkan 2024, kadib markii ay mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Musliin dhagta dhiiga u dareen askar badan oo ka tirsan maleeshiyaatkan calooshood u shaqeystayaasha ah oo ku socdaalayey dhulka saxaraha ah,

Waxaa mar qura sida la xusuusto Fagner halkaas ku qabsaday halaag weli ka shanqaraya dhagaha cadawga midibada kala duwan leh ee duulaanka ku jooga halkaas, Ruushkii dacminayey kooxdan ayaana laftiisa ilaa hada isku dayin inuu kasoo saaro war rasmi ah oo uu ku xaqiijinayo tirada halkaas looga dilay murtazaqadiisa.

Warbixinta New York Times ayaa soo xiganeysa muuqaalladii halkaas laga soo badhigay bishii July iyo jabkii cadawga halkaas kusoo gaaray, waxayna muujinayeen ayey leedahaday jabka iyo naasa beelka soo duulayaasha kasoo gaaray halkaas, mana jirin wax qarsoomi kara oo wax walba baraha kala duwan ayaa lagu baahiyey.

Dhanka kale muuqaaladaas ku baahay baraha kala duwan ee Internet-ka, waxay Fagner u horseedeen sida lagu waramayo sumac daro iyo in dunidu ay nusqaamiso heybadii ay u muujin jireen calooshood u shaqeystayaashan, waxaana batay ayey warbixinto leedahay in shaki la giliyo sii jirtaanka Fagner hadii ay kusii sugnaato gudaha Maali iyo guud ahaan galbeedka Afrika.

Saxiifada baaritaano ay sameysay ayey sheegtay iney ku ogaatay Fagner halkaas looga dilay ilaa 46 askari, loogana dhaawacay 24 kale, taasoo ka dhigaysa ayey leedahay mid ka mid ah fashilalkii ugu weynaa ee kooxda ku qabsaday Afrika gaar aha dhanka galbeedka.

Warbixinta New York Times oo sii socota ayaa lagu sheegayaa, in murtazaqadan uu taban taabiyo Ruushka ay midaan bartay in marnaba aysan dhulka Maali ka shaqeyn xeeladaha dagaal ee ay ku howgali jireen sanadihii hore, Maalina ay tahay dhulka saxara ah raga joogana in libinta laga helo ay adagtahay, dabcan waa sida hadalka loo dhigee.

Wixii ka dambeeyey jabkaas ku habsaday kooxdan hoostgta Moscow, waxaa bilowday ka fur-furan ku yimid ciidanka, waxaa kala daatay qorshooyin badan oo u dagsanaa, waxaana hakad galay howgallo badan oo ay doonayeen iney ku tagaan wadamo kala duwan oo dhaca qaarada Afrika.

Sidoo kale warbixinta wargeysku waxay sheegeysaa in uu fadhilmay qorshe ay maleeshiyaatka ku doonayeen iney ku qortaan ciidamo cusub, waxaana midaas u sabab ah in dunidu ay aragtay fashilka heysta iyo sida ay ugu hor kufeen libaaxyada Islaamka ee ka dagaalama dhulka saaxilka iyo saxaraha Afrika.

Duruusta lama ilaabaanka ah ee ay Murtazaqadan ku qaateen galbeedka Afrika kadib, waxay hada wajahayaan niyad jabkii iyo burburkii ugu xooganaa taariikhdooda, waxaana hada socda qorshe la doonayo in gabi ahaantood lagu burburiyo, maadaama Ruushka uu durbadiiba dhistay guuto cusub oo uu ugu magac daray guutada Afrika.

Guutada Afrika ayaa lamid ah sida Fagner, waana koox iyadana daacad u ah Moscow una howlgasha sida kuwan oo kale, balse ilaa hada majiraan ajandayaal cad oo uu Vladamir Putin ka dabacsanyahay iyo sida uu doonayo iney ku shaqo galaan ciidanka iyo walba wadamada ugu horeeya ee ay shaqadooda ka bilaabayaan.

Gaba gabadii warbixintu waxay tilmaameysaa in mustaqbalka Fagner ee Mali iyo gobollada kale ee Afrika ay hada tahay mid hubanti la’aan ah, Ruushkana uu u muuqdo mid ka caga jiidaya in boor ka jafid uu ku sameeyo maleeshiyaatka, isagoona hada u muuqda mid u jan jeera dhanka guutada Afrika si kuwaas ay ugu noqdaan badiil kale.

Guud ahaan warbixinta waxay daaha ka rogeysaa sida ciidankii laga aamisanaa iskuna muujin jaray awood aanan marnaba la loodin ay ugu hor turan turoodeen cududa mujaahidinta galbeedka Afrika, muddo kooban gudeheeda uu mugdi u galay mustaqbal ay soo dhoodhoobayeen sanado fara badan, ayna kusoo waraabiyeen dhiiga dad badan oo dulmanayaal ah oo ku kala nool daafaha caalamka.

FAAFREEB PRO ✍️