Wasiirkii Sadaxaad ee Katirsan Xukumada Xamze Cabdi Bare oo xilka iska Casilay.

Nov 6, 2024

Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowlada ridada murtad Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa noqdey wasiirkii saddexaad ee iska casila xukuumadda ridada Xamse Cabdi Bare muddo maalmo gudahood ah.

Murtad Saddaam oo ka tirsan baarlamaanka ridada , ayaa is-casilaaddiisu salka ku haysaa khilaafka ka dhex-jira dowlada ridada yo labad maamul-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.

Murtadkaan ayaa sheegay in tallaabadan uu u qaaday kadib markuu arkay in la siyaasadeeyey mashaariicdii horumarineed ee loogu talo-galay Puntland, laguna mashquulay kala-qaybinta iyo kala-dhantaalidda Kooxda Ridada.

Qodobbo dhawr ah oo ayuu murtadkaan asbaabaha soo dedejiyey is-casilaaddiisaku sheegay wuxuuna intaa ku daray in xukumada ridada ay waddo abaabulka colaado hor leh iyo xasilooni-darro siyaasadeed oo ay ka hurinayso deggaannada maamulka Jubbaland.

Wasiirkan is-casilay ayaa waxaa kasii horreeyey wasiirro kale oo kala ah Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Axmed Cismaan Daqare, wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga C/rashiid Jire Qalinle.

Wasiirradan ayaa dhammaantood ka soo jeeda deggaanada maamullada la baxay Jubbaland iyo Puntland, waxaanay arrintani salka ku haysaa khilaafka ka dhex aloosan madaxda ridada iyo labada maamul-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.