Warbixin- Feylal sir ah oo Lasoo Dusiyey iyo Fadeexo dul Hooganeysa Natanyaahu.

Nov 7, 2024

Tan iyo bilowga dagaalka sanad jirsaday ee ka socda gudaha dhulka Filistiin, maamulka isgu yeera Israel ayaa markiisii ugu horeysay wajahaya fadeexad xoogan oo banaanka keentay waxyaabo badan oo uu daah saarayey ninka lagu sifeeyo Hitleerka casrigan ee Binyamiin Natanyaahu.

48 Saac ee lasoo dhaafay, waxaa baraha kala duwan ee Internet-ka si aad ah ugu baahay warbixin xasaasi ah oo muujineysa in banaanka la keenay xog rasmi ah oo ku keydsaneyd qaanadaha gaarka ah ee xafiiska Natanyaahu, taasoo dad badan tustay waxa sida rasmiga ah mudooyinkan dambe kaga dhax socda hay’adaha kala duwan ee maamulkan.

Waxaa mar qura lagu soo baraarugay warbaahino badan oo wax ku qora afka cibriga oo nashriyey, taqaariir ay kusoo badhigayaan dukumiindiyo cadeynaya fadeexo xoogan oo ka taagan xaga xafiisyada amniga xukuumada la magac baxday Israel, iyo sida Natanyaahu uu jagooyinka sare ugu taxayo rag la sheegay ineysan lahayn wax qibrad ah, balse kaliya uu ka dhax arkay danihiisa gaarka ah.

Sida laga arki karo waraaqahan banaanka la keenay, hogaamiyaha sahaayinada ayaa tan iyo bilowgii howgalka duufaanta Al-Aqsa qaaday talaabooyin badan oo ay sahaayinadu aamisanyihiin iney yihiin kuwa curyaamiyey hormarkii ay ka sameyn lahaayeen dagaalka ay kula jiraan kooxaha muqaawamada Filistiin, waxaana ugu waaweyn musuq xilalka iyo daah saarida xaqiiqada dagaalka.

Marka laga hadlayo musuqa ka dhax jira gudaha xukuumada isugu yeerta Israel, wargeyska Haaretz iyo warbaahinta kale oo fara badan oo wax ku dhisanaya dukumiindiyada ay gacanta ku dhigeen, ayaa sheegaya in heer aanan la qiyaasi karin ay gaartay marxalada is daba mareynta iyo qarinta xaqiiqada waxa socda jiidaha hore ee dagaalka.

Tuusalaha ugu dhowr ayaa loo soo qaadanayaa musuqmaasuqa ka dhax jira xafiiska Netanyahu oo maalmo ka hor loo magacaabay afhayeen gaar ah, ninka xillkan loo magacaabay ayeyna xoguhu sheegayaan inuusan heysan wax qibrad ah oo uu ku muteysan karo jagadan sare.

Shabakadda Mareykanka ee Axios oo mar ka hadleysay tayada afhayeenka cusub ee xafiiska Natayaahu waxay sheegtay, in dhowr jeer uu ku dhacay misana uu si buuxda ugu guuldareystay imtixaanka lagu helayey shaqadan, balse ugu dambeyn kaliya lagu soo baraarugay ninkan oo xafiiska afahayeen u ah, waana mid kamdi ah musuqa ka dhax jira xukuumada Isarel ayey leedahay Axios.

Shabakadu waxay intaasi ku dareysaa in markii uu Natanyaahu ku kacay talaabadaas, ay dood badan ka dhax bilaabatay isaga iyo laamaha amniga, balse uu ugu dambeyn ku sameeyey wax loo kala garan waayey qamcin iyo ku qanciyey sii joogitaanka ninkan iyo inuu sii ahaado afahayeenka gaarka ah ee xafiiskiisa.

Marka laga hadlayo qarinta xaqiiqada loolanka socda, waxay xogahan daaha laga soo rogay muujinayaan in Natayaahu uu mudadan sanadka ah bulshadiisa ku waday hadalo xaqiiqada ka fog oo aanan dhaafsiisaneyn afka baarkiisa, sida sheegashada guulo waxba kama jiraan ah iyo balan qaadka riyooyin dhalannteed ah.

Waxa dhanka kale Netanyahu ay warqadahan ku marag furayaan inuu isku dayay inuu marin habaabiyo ra’yiga sahaayinada ee la xiriira maxaabiista ku xiran gudaha Qaza ee ay gacanta ku hayaan kooxaha wax iska caabinta Filistiin, waxa uuna midaas u sameeyey ayaana lagu sheegay iney tahay si halkiisa uu uga sii wado dagaalka, daahna uu saaro xaqiiqada dhabta ah.

Hogaamiyaha mucaaradka maamulka yuhuuda Yair Lapid ayaa sheegay, in Binyamin Netanyahu uu hadda isku dayayo inuu ka baxsado xaqiiqadan banaanka la keenay, uuna inkiro lahaanshiyaha xukuumadasiisa ee waqradahan, balse midaas ay tahay wax aanan meel mareynin masuulna uu ka yahay dhamaan waxyaabaha daaha laga soo qaaday.

Dhanka kale markii wabaahinada kala duwan ay si aad ah u tabiyeen dukumiindiyadan sirta ah, waxaa soo ahdaly Binyamin Natanyaahu oo beeniyey waxa socda, isagoona sheegay in midaan ay tahay waxba kama jiraan iyo in la doonayo in lagu kala dilo kalsoonida maamulka iyo shacabka.

Xogo hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in madaxa yuhuuda uu xabsiga u taxaabay rag badan oo uu ku tuhunsanaa iney iyagu yihihiin kuwa dusiyey waraaqahan sirta ah, waxaana xitaa meesha aanan ka marneyn oo xabsiga la geeyey qaar kamid ah masuuliyiinta warbaahinada qaar ee ka howgalla gudaha dhulka yuhuuda.

Marka laga soo tago faylashan xasaasiga ah ee saacadihii lasoo dhaafay kasoo baxsaday gudaha xafiiska Natanyaahu iyo buuqa xoogan ee ay ka dhax abuureen qeybaha kala duwan ee warbaahinta caalamka, waxaa dhanka kale jira cadeymo hore oo soo bandhigaya in hogaamiyaha xukuumadan isugu yeerta Israel inuu ku kacay falal dhamaantood lidi ah.

Waxaa kamid ah eedeymaha darfaha loo heysto ninkan, qaadashada lacago fara badan oo laaluush ah si uu u ilaaliyo masaalix ka baxsan mida yuhuuda, luminta kalsoonida kumanaan sahaayino ah iyo isdaba marinta shaqooyin kala duwan oo la doonayey iney u dhacaan sida loo soo qorsheeyey.

Raga ugu sar sareeya ee horay falalkan oo idil ugu marag furay Binyamin Natanyaahu ilaa hadana ku taagan mowqifkaas waxaa kamid ah, Avichai Mandelblit oo horay u ahaa lataliyihii hore ee dhanka sharciga maamulka yuhuuda.

Dhanka kale xafiiska garsoorka sahaayinada ayaa hadda haya fayl cusub oo iyagana muujinaya sida ninkan uu u sameeyey tacadiyaad iyo ku tagrifal awoodeed, isagoona baal maray dhamaan qawaaniintii maamulkaas uga dagsanaa dagaalka Qaza, jiidaha horana ku guray boqolaal sahaayino ah oo ay hada marxaladoodu ay kusoo uruurtay kuwa nafta is dhaafiyey, kuwa la buka xanuuno dhanka dhimirka ah iyo kuwa garan la’a si ay uga luga baxsadaan jaxiimadan.

Ugu dambeyntii faylashan sirta ah ayaa hada gaaray cirif walba, waxayna sidaan uga mid noqdeen kuwa hore oo weji gabax ku riday hogaamiyaha sahaayinada, yuhuud badan ayaana hada aaminsan in hadii Natayaahu uu hogaanka usii hayo ay dagal ka dhici doonto xukuumadooda, ka hor inta aanan la gaaric lacanada 80-tanaad.

FAAFREEB PRO