Reer-Galbeedka oo Ka Walaacsan Awooda Mujaahidiinta Iyo Khilaafka Hareeyay ATMIS.

Nov 9, 2024

Mid kamid ah macaahida daraasaadka dowladaha reer galbeedka ayaa warbixin ka qoray xaalada Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday awoda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xili uu soo dhawaaday waqtigii uu ku egyahay howlgalka ciidamada Kufaarta Afrikanta.

Warbixintaa oo uu daabacay Machadka daraasaadka ECFR ayaa lagu soo hadal qaaday weerarkii duqeynta ahaa ee dhawaan ciidamada mujaahidiinta ku beegsadeen Xerada Xalane, kaasoo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana lagu yiri :

“Axaddii aynu soo dhaafnay, saldhig milliteri oo ku yaala bartamaha Muqdisho, hooyna u ah masuuliyiin katirsan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’ado caalami ah, ayaa la kulmay weerar duqeyn ah, durbana waxaa masuuliyada sheegtay Xarakada Al-Shabaab, oo u xusul duubeysa iney rido Dowladda Federaalka, tanina waxay muujineysaa xaaladda cakiran ee dalka, iyo sida ay weerarada hubeysan uga dhacayaan meel weliba”

Dhanka kale waa maqaalka uu qoray markazka Europian Council ee Cilaaqaadka dibadda, lagu soo hadal qaaday fashilka ay ku dhamaatay xamladi Xasan Gurguurte uu labadii sano ee laso dhaafay uu kusoo qaaday deegaanada lagu maamulo shareecada islaamka ee wilaayaatka islaamiga ah .

“olole dagaaleedkii lagu qaaday Al-Shabaab weli waxaa ku gacan sareeya Xarakada Al-Shabaab, oo wei maamuleysa deegaanno ballaaran oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka” ayay leedahay warbixinta.

Mar ay xarunta darasaadka ee ECFR soo hadal qaaday, xaalad hubanti la’aan ee uu wajahayo isbihaysiga kufaarta Afrikaanta, ayeey sheegaysa in ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab la wareegi karto, goobaha ay banereyeen ciidamada afrikaanta ah ” Xarakada Al-Shabaab waxay ka faa’ideysan doontaa kala qeybsanaanta iyo khilaafka jira, taasoo horseedi karta fashil amni oo weyn, oo saameyn kara mandiqadda Geeska Afrika iyo Badda Cas”