Hay’adda sheegta iney u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada ammaanka ee dowladda Kenya inay afduub, jirdil iyo dil u geysteen dad ay sheegtay inay hogaaminayeen mudaharaadyadii looga soo horjeeday xukuumada Ruto ee dhacay intii u dhexeysay bilihii June iyo August.
Askarta amaanka Kenya ayaa ugaarsi gaar gaar ah ku biloday shaqsi walba oo ay ku tuhmeysay ku lug lahaanshiyaha arinkan iyo kuwa kale oo aanan wax lug ah ku lahayn, iyadoo qaarna dishay, qaarna ilaa hada aanan meel lagu sheegin nolol iyo geeri toona, waana sida ay sheegtay hay’ad gaaleedkan.
Human Rights Watch oo soo xiganeysa mid kamid ah waalidiinta dhalay wiil lagu dilay gudaha dalka Kenya intii ay socdeen rabshadaha xoogan ayaa sheegtay, in wiilkeeda ay weysaneyd muddo Afr maalmood ah kadibna ay ka heshay mid kamid ah qolalka meydadka ee isbitaalka ku yaala deegaanka ay ku nooshahay.
Hay’adan waxay sidoo kale sheegeysaa in xukuumada Ruto ay intii ay socdeen dibadbaxyadaan ay dishay ilaa 61 ruux oo isgu jirta bulshada qeybeheeda kala duwan.
Isku soo baxyadaan ayaa salka ku hayay caro ka dhalatay xeerkii canshuur kordhinta ee ay soo rogtay xukuumadda Kenya, taasi oo markii dambe ay dowladda ka laabatay.
Madaxa Human Rights Watch qeybteeda Afrika ayaa warbaahinta u sheegtay misana xaqiijisay in booliska Kenya ay kaalin lixaad leh ay iguna ka qaateen afduubka iyo jirdilka shacaka, iyagoona dadka geynayey xarumaha ciidan iyo goobo kale oo lagu jirdilayo ama naftaba lagu dhaafinayo.
Ugu dambeyntii madaxa Human Rights Watch qeybteeda Afrika waxay sheegeysaa in dadka la afduubto badanaa meydadkooda laga helayey goobaha dhagaxa laga qodo iyo geesaha wadooyinka, taasoo si cad u muujineysa caburinta ay xukuumada Kenya saarto shacabkeeda markii ay isku dayaan ka hadlida xqiiqada ay ku heyso xukuumadooda.