Warbixin uu daabacay wargeyska Akhbaarul Youm ayaa ciwaan looga dhigay, “Xafiiska Natanyaahu oo ku lu leh Afar kiis oo halis ah” .
Joornaalku waxa uu ugu horeyn sheegayaa in hogaamiyaha maamulka yuhuuda uu mudooyinkaan dambe la kulmayo baaritaano iyo in rag badan oo ka tirsan maamulkiisa ay qaadaan talaabooyin ay il gaar ah ugu yeelanayaan dhaqdhaqaaqiisa, sidaa darteedna ay isbuucyadii lasoo daafay isku soo tarayaan eedeymo iyo kiisas xasaasi ah oo la sheegayo inuu ku lug leeyahay Binyamiin Natanyaahu.
Marka aan hada u nimaano warbixintan iyo xogta sida rasmiga ah ay u daarantahay, waxaa lagu waramayaa Nitanyaahu xafiiskiisa uu ka dambeeyo arimo dhowr ah, oo qaarkood halis galin kara sii jirtaanka maamulkan.
Mida Koowaad ayaa ah inuu xabsiga u taxaabay wasiiro iyo saraakiil ciidan oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 11, kuwaas oo mar dambe markii ay warbaahintu baaritaan sameysay la ogaaday ineysan jirin cadeymo buuxa oo ragan ku marag furaya iney qaadeen talaabooyin lidi ku ah xukuumadooda, balse Natanyaahu uu xabsiga dhigay isagoo sheegay in ragan looga shakiyey kiisas dhowr ah sida iney bixiyeen xogo xasaasi ah.
Qodobka Labaad ee uu xafiiska hogaamiyaha maamulka yuhuuda ku lug leeyahay ayaa ah, inuu isku dayey inuu badalo qawaaniinta xukuumadiisa uga dagsaneyd dagaalka Qaza, waliba isagoo aanan sameyn wax la tashi ah, si meesha ay uga baxdo baa la yiri baaritaanadii la sameynayey ee ku qotomay wixii fashilka keenay 7 October ee sanadkii tagay 2023.
Arinka Sadaxaad ee la sheegay inuu ku lug leeyahay xafiiska Natanyaahu ayaa ah, in qaar kamid ah saraakiisha ay iyagu dhaxdooda is aflagaadeynayaan, banaankana ay iska keenayaan muuqaalo fadeexo ku ah guud ahaan maamulka yuhuuda, xafiiska madaxa sahaayinadana uusan midaas dhag jalaq u siineynin sida inuuba isaga ka dambeeyo.
Arinka ugu dambeeya ee Afaraad ayaa lagu sheegay inuu yahay, muuqaal sir ah oo laga baahiyey wasiirkii hore ee difaaca yuhuuda Yoav Galant inta aanan xilka laga xayuubin, kaasoo muujinaya Galant oo xilli uu doonayey inuu galo xafiiskiisa laga hor istaagayo misana ay aflaagaadeynayaan rag u muuqday iney saraakiil yihiin, arinkaasna sidoo kale waxba kama qaban xafiiska natanyaahu, bal waaba mida hada la leeyahay isaga ayaaba ku lug leh.
FAAFREEB PRO