Madaxa maamulka ridada Jubbaland murtad Axmad Madoobe ayaa xalay ku dhawaaqay gudiga doorashooyinka maamulkaas, isaga oo isku diyaarinaya in uu qabsado doorashooyin madax banaan si uu markale dib ugu soo laabto kursiga maamulka uu fadhigiisu yahay Kismaayo.
Saacado kadib taallabadaasi uu qaaday hogaamiyaha maamulka isugu yeeray jubbaland, Kooxda Ridada ayaa soo saartay fariin goodin ah oo kusocota Axmad Madoobe taas oo lagu farayo in uusan qabin karin doorasho.
Qoraalka oo ay saartay wasaarada arimaha gudaha xukumada Gurguurte ayaa lagu sheegay in madaxda maamulka Kismaayo ay waajib ku tahay in ay uhogaansamaan awaamirtii kasoo baxday shirka waxa loogu yeero madasha wadatashiga qaran.
“Tallaabada Axmed Madoobe waxay niyad jab ku tahay madaxda Dowladda Federaalka oo u arka ficilkiisa mid ka soo horjeeda qorshaha kala guurka. Hoggaanka Soomaaliya ayaa aaminsan in tagitaanka Aaxmed Madoobe ay halis gelineyso midnimada qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Kooxda Ridada.
Waxaa intaas sii dheer in Kooxda Gurguurta ay sheegeen in uu waqtiga ka dhacay Axmad Madoobe, islamarkaana uusan markale isku soo sharixi karin kuriga hogaanka maamulka Jubbaland.
Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa laga dareemayaa xiisad ka dhax taagan Kooxda Ridada iyo maamul Jubbaland, kadib markii Kooxda Gurguurte ay ciidanka Kenya ee fadhigeedu yahay garoonka diyaaradaha magaaladaais ku wargalisay in ay iyaga gacanta ku dhigaan amaanka garoonka, aysane jirin diyaarad hawada laga celin karo.
Maamulka Axmad Madoobe ayaa todobaadkii hore heegan galiyay ciidankiisa, xiisada labada dhinac ayaana umuuqata mid gacan ka hada ku dhow, Gurguurta ayaana dadaal waliba waxa uu ku bixinayaa sidii Axmad Madoobe uusan mar danbe usii hogaamin maamulka loogu yeero Jubbaland.