Jubbaland oo Xiriirka u Jartay Kooxda Fadhigeedu Yahay Muqdisho, Xasana ku Eedeysa Arimo Badan.

Nov 10, 2024
Iyadoo xilli dambe oo xalay ah wasaaradda arrimaha gudaha kooxda ridada Soomaaliya ay soo saartay bayaan ka dhan ah siyaasadda Axmed-madoobe, ayaa goor dhawayd war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka isku magacaabay Jubbaland lagu shaaciyey inay hakisay wada-shaqayntii ay la lahayd xukuumada murtad Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kooxda ridada ay hormood ka noqotay hagardaamaynta iyo khal-khal gelinta joogtada ah ee amniga Jubbaland, waxaana lagu eedeeyey inay si weyn u xagal-daacisay hawl-galladii ashahaada la dirirnimo ee ay kusoo qaadeen wilaayaatka islaamiga ah.
Bayaankan ay soo saartay Jubbaland ayaa si cad loogu sheegay sida ay ugu fashilantay dagaalladii ay kula jirtay mujaahidiinta Al-Shabaab, isla markaana ciidamadeedii iyo kuwa dawladda federaalkuba ay dhabarka u jeediyeen kana soo hulleeleen furimaha dagaalka, iyadoo guul-darradaasi u tiirisay kooxda Xasan Gurguurte.
Sidoo kale maamulka ridada ah ee Jubbaland ayaa bayaankiisa ku caddaysay in Villa Soomaaliya ay ciidamada ka dhex-bilawday kala fur-fur, isla markaana ka caga-jiidday in ciidamada diidday inay la dagaallamaan Al-Shabaab ay kusoo bedesho ciidan kale oo isku dhaf ah oo buuxiya furimihii lasoo banneeyey.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa mar kale ku celiyey isla markaana sheegtay inuu u madax-bannaan yahay qabsashada iyo maamulidda doorashadooda, Iyagoo ka digay in la siyaasadeeyo, si khaldanna loo isticmaallo ciidanka dawladda iyo kuwa ATMIS.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in xiisaddu ay cirka isku sii shareertay isla markaana kooxda ridada Soomaaliya codstay in ciidamada ATMIS ee jooga Kismaayo ay la wareegaan amniga garoonka diyaaradaha ee magaalladaasi.