Cabsi Laga Qabo in Burkina Faso ay ka Dhacaan Dilal Wadareed Lagu Fuliyo Madax Badan.

Nov 12, 2024

Saxiifada kasoo baxda dalka Ingiriiska ee The Gardiun ayaa nashrisay maqaal ay kaga hadleyso cabsi xoogan oo laga qabo in dalka Burkina Faso uu ka dhaco dil wadareed lagu fuliyo madax badan oo hada ka tirsan xukuumada millitariga hogaamiyo.

Joornaalku waxa uu sheegayaa in nidaamka militariga ee Burkina Faso uu doonaya inuu dib u soo celiyo ciqaabta dilka madaxda sar sare, waliba si lamid ah kuwii horay uga dhacay wadankan ku yaala galbeedka qaarada Afrika.

The Gardiun ayaa xogteeda intaas waxay ku dareysaa in xukunadaan dilka ah lagu fulin doono qof kasta oo u muuqda inuu carqalad ku yahay horay u socdoka xukuumada uu majaraha u hayo Captan Ibrahim Traoré ama xitaa lagu ogaado inuu ku dhaqaaqay falal isdaba mareyn ah.

Dilkii ugu dambeeyey ee lagu fuliyo rag ka tirsan dowladda Burkina Faso ayaa dhacay 19kii Sebtembar 1988 waana sida ay sheegtay hay’ada Amnesty International, kaasoo lagu fuliyey rag la sheegay iney doonayeen iney gabi ahaanba afgambiyaan xukuumadii markaas jirtay, shaqsiyaadka falkan isku dayey waqtigaas waxaana kamid ah wasiirkii gaashaandhigga, wasiirkii dhaqaalaha, iyo Laba masuul oo kale oo aanan wali la shaacin magacooda.

Ugu dambeyntii warbixinta oo soo xiganeysa Amnesty International waxay sheegeysaa, in sanadihii ugu dambeeyey ay sii lixaadsadeen arimaha ah in la qaarijiyo masuuliyiinta Afrika ee la tuhmo, iyadoona ay si gaar ah ugu sii lixaadsaeen ayey tiri dhanka galbeedka ee qaaradan, waxayna dhacdooyinkaan kordheen boqolkiiba 66% waana sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyey sanadkan 2024 gaar ahaan bishii lasoo dhaafay ee Octobar.

FAAFREEB PRO