Ruux Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Magaalada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

Nov 13, 2024

Wararka ka imaanaya gobolka Galaduud ee bartmaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in ruux Itoobiyaan ah lagu dilay dagmada Gurceel.

Shaqsiga Itoobiyaanka ah ee la dilay ayaa lasoo warinayaa in uu buuq soo kala dhax galay isaga iyo ruux hubaysan kadibna sidaasi lagu toogtay.

Dadka Itoobiyaank ah ee ku sugan dagmada Gurceel iyo hareeraheeda ayaa lasoo warinayaa in ay bilaabeen barakac xooan.

Goob joogayaal ayaa warbaahina usheegay in ay arkayeen iyaga ku guuraya gaadiid farabadan islamarkaana wata meydka ruuxa laga dilay.

Bartamihii sanadkaan ayeye ahayed markii sidan oo kale ruux Itoobiyaan ah lagu dilay magaalada Dhuusa Mareeb kadib markii la gowracay.