Muuse Biixi Cabdi oo ah hoggaamiyaha maamulka ashahaadda aadirirka Somaliland ayaa markii ugu horraysay sheegay in dowladda Xabashida Itoobiya ay siinayaan marin Biyood.
Isagoo khudbad ka jeedinayay magaalada Hargeysa ayuu shaaciyay in waxa ku qoran heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu lagalay Abiy Axmed uu ahaa in ay Xabashida siiyaan Marin Biyood arrinkaas oo xaqiijinaya hadalladii ay bilihii lasoo dhaafay jeedinayay madaxda Itoobiya.
Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa horay u sheegi jiray in Itoobiya ay siinayaan saldhig badeed iyo dekad balse wuxuu hadda xaqiijiyay in waxa ay bixiyeen ay yihiin Marin biyood Itoobiyaanka si rasmi ah loosiinayo qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Muuse Biixi ayaa markale ku celiyay in haddii dib loo doorto ay Itoobiya maamulkiisa aqoonsan doonto isagoo dowladda Ridada Jabuuti ku sifeeyay in uu yahay nidaamka ugu daacadsan ee xabashidu ku leedahay dunida sidaas oo ay tahayna ay ka maseyreen heshiiskii uu lagalay Abiy Axmed sida uu ku hadaaqay.
Dhinaca kale hoggaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa ku digtay Xasan Gurguurte madaxa kooxda ridada oo uu ku tilmaamay mid dhax muquuranaya jiha wareer siyaasadeed wuxuuna soo hadal qaaday khilaafaayada kala dhaxeeya maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.